18 October, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUMAD MAKO IBRAAHIM HII

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUMAD MAKO IBRAAHIM HIIRAD.


.
 La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Reer Faarax Jire, reer Iiman, Reer Luduf iyo tafiirtooda meel ay jooganba.

Xaajiyo Mako waxay ahayd hooyo, ayeeyo iyo macooyo dad tiro badan ka tafiirmeen oo beel kasta ay ku lahayd dad iyada qof ahaan ka soo jeeda. Ruux Illaahay barakeeyey oo cimri dheer oo cibaado leh siiyey. Ma filaayo inay jiraan shanta qaaradood ee dunida cid aan ka soo jeedin Mako in laga helaayo iyo carada Soomaaliyeedba.

Mako waxaa lagu aasay maanta 18 October 2013 oo ah ayaamaha barakeysan magaalada Hargeysa, waa Jimce waana maalintii afraad ee Ciidda welina lagu gudo jiro gudashadi xajka.

 Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Mako Ibraahim Hiirad,  inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, iyo Asxaabna meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN 

Axmed Xasan Carwo 
La-taliyaha Madaxweynaha SL 
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga 

eci.advisor@gmail.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: