14 October, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM MAXAMED XAAJI HADLIYE


LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM MAXAMED XAAJI HADLIYE



La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, xisbiga Kulmiye, iyo si gaar ah Gobalka Awdal ee uu marxuumku ka soo jeeday.

Maxamed Xaaji Hadliye waxuu ahaa aqoonyahan, siyaasi iyo oday dhaqameed inataba. Nin si xoog badan uga muuqaday xisbiga Kulmiye ololahi doorashada Madaxtooyada ee 2010. Waana halka aanu isku baranay. Nin kaftan badan, ereyda si hawl yar u asiiba, ku dhiiran runta oon ka leexan halkay marinkeedu yahay. Nin bulshaawi ah oo Soomaliland gees ila gees aqoon iyo asxaaba ku leh.

Waxaan xusuustaa sida kaftan wadaaga aanu u lahayn ayaamaha aanu ku kulano fadhiga guriga Cabdilaahi Darawal. Waxuu ahaa nin sheekada madxa iyo minjahaba qabta, fura soona gunaanada. Kaftan hufan oon meeshiisa seegin.

Alle ha u naxariiste waxuu ahaa wadani horumarka iyo isku-xidhka bulshada jeclaa, nin qaran, nin gobal, nin reer, kolba halkay ku haboontay ka muuqday.  

Maxamed Xaaji Hadliye waxa lagu aasay magaalada Boorame , Alle ha u nuuro qabriga hana u waasiciyo. Amiin.

Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka MAXAMED XAAJI HADLIYE, inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha SL
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga

eci.advisor@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: