13 September, 2013

WAR-SAXAAFADEED: Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale

Date: 13- 09-2013
WAR-SAXAAFADEED: Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale

Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo todobaadkii ugu danbeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madaxda shirkada Genel Energy oo hawlo shidaal baadhisa ka waday Jamhuuriyada Somaliland dhawaana sheegtay inay si ku meel gaadha u hakisay shaqadii shidaal qodista ayaa kulankaasi waxaa ka soo baxay sida ay noo xaqiijiyeen xubnahaa weftiga wasiiradu in shirkadaa Genel Energy aanay ka tegay Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay hawsheedi sii wadidoonto

Hakis-kaasina uu ahaa mid ay ka dhalatay amba fursad siiyey in ay ka soo baxdo in labada dhinac ay si dhaw oo xoogleh uga wada shaqeeyaan sidii hawshaasi looga gaadhi lahaa ujeedooyinkii laga lahaa, Dawlada Somaliland ay balan qaaday waxkasta oo fudaydinaaya siina adkaynaaya wada shaqaynta labada dhinac ay fulinayso, sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.

Dhinac Shirkada Genel Energy ay u xaqiijisay wasiirada in ay shaqadii sii wadi doonto taas oo labada dhinacba ahmiyad weyn u leh.


ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: