09 September, 2013

Sirdoonka Maraykanka Oo Ka Qaybqaadanaya Baadhitaanka Dilka Gabadh Soomaaliyeed Oo Ka Dhacay Mombasa

Sirdoonka Maraykanka Oo Ka Qaybqaadanaya Baadhitaanka Dilka Gabadh Soomaaliyeed Oo Ka Dhacay Mombasa


Mombasa, September 9, 2013 (W.Wararka) - Sirdoonka dalka Maraykanka ee loo yaqaanno (FBI) ayaa gaadhay magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee dalka Kenya, si ay uga qaybqaataan baadhitaanno lagu samaynayo dil argagax dhaliyay oo loo gaystay gabar Soomaali ah oo haysata dhalashada dalka Maraykanka. Gabadhan oo da'deedu ahayd 19 jir ayaa waxa loo qabtay dilkeeda labo wiil oo dhalinyaro ah oo labadaba ay qaraabo yihiin. Dilka gabadhan oo soo jiitay saxaafada dalka Kenya ayaa ahaa mid si fool xun u dhacay, iyadoo gabadha la kufsaday ka hor inta aan la dilin. Sirdoonka Maraykanka ayaa ka qaybqaadanaya baadhitaanada lagu samaynayo dilkan iyadoo Maxkamad ku taal Mombasa ay amar ku bixisay in lasii hayo labo wiil oo eedaysanayaal ah muddo hal asbuuc ah, si loo soo dhammaystiro baadhitaannada.
Jamiila Aweys Xaaji ayaa timid dalka Kenya 3 maalmood ka hor markii la dilay oo ahayd 4-tii bishatan September iyadoo kasoo kicitintay Maraykanka oo ay dhalashadiisa haysato. Maxamed Bashiir Maxamed oo ay Jamiilo qaraabo dhow yihiin ayaa ka mid ah labada qof ee loo xidhay dilka gabadhan, waxaana boolisku ay sheegeen inuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee ay is raaceen xilli ay doonaysay inay soo booqato guriga adeerkeed oo ku yaalla xaafada Likoni ee magaalada Mombasa. Waxaana boolisku ay ku eedeeyeen inuu sharraxaad ka bixin waayay sida ay gabadha ku kala hareen taasoo keentay in isaga looga shakiyo inuu dilkeeda wax ka ogaa. Faragalin ay sameeyeen saraakiisha sirdoonka ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay xoojiso baaritaannada lagu samaynayo dilka gabadhan oo noqotay hadal haynta ugu badan ee magaalada Mombasa. Waxaana la filayaa in hadii lagu guulaysto baaritaannada ay meesha ka baxdo cabsida soo foodsaartay Soomaali badan oo ka timaada wadamada qurbaha isla markaana u tamashle taga magaalada Mombasa oo ah xudunta dalxiiska ee dalka Kenya. Dambi baarayaasha Kenya ayaa sheegay inay hayaan cadaymo badan oo shaki abuuraya balse ay go'aansan doonaan in maxkamad la taago labada nin ee dambiga lagu eedeeyay iyo in kale.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: