22 August, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM SULDAAN BARRE SHIRE WARSAME.

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM SULDAAN BARRE SHIRE WARSAME. 


 La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Beesha Isaxaaq iyo Gobalka Maroodijeex. 

Suldaanku isagoo waajib qaran ku jira oo gurmad nabadeed ah  ayuu daad ku qaaday Dacar-budhuq maanta 22/08/2013. Suldaanka oo ka mid ah intaan sida tooska ah u bartay, waxuu ahaa nin firfircoon oon ka hadhin meel kasta oo hawl bulsho iyo siyaasadeedba taalo, nin nabadeed oo hadal aqoona ah.

 Geerida Suldaanka waxaan ka tacsideynayaa ehel, tafiir, qaraabo, saaxibo,  dawladda seddexda Gole, Xisbiyada, Salaadiinta iyo guud ahaan shacbiga Soomaliland gaar ahaan gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday.

 Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka SULDAAN BARRE SHIRE WARSAME,  inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN 

Axmed Xasan Carwo 
La-taliyaha Madaxweynaha SL 
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga 

eci.advisor@gmail.com

http://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: