03 August, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM SULDAAN DAAHIR SUL. AAMIN SUL. FAARAX

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM SULDAAN DAAHIR SUL. AAMIN SUL. FAARAX SULDAANKA GUUD EE BEESHA AYUUB SH. ISAXAAQ


 La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Beesha weyne ee Ayuub Sh. Isaxaaq oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta 3/08/2013.

Suldaanka oo ka soo jeeda salaadiinta ugu faca weyn dalka, waxa lagu xasuusta isaga iyo aabihiiba kaalintii libaax ee ay ka qaateen dhismihii uruurintii iyo isku hayntii ururka SNM iyo halgankii dheeraa ee lala galay faqashta.

 Geerida Suldaanka waxaan ka tacsideynayaa ehel, tafiir, qaraabo iyo saaxiba iyo gaar ahaan Beesha Ayuub iyo intii la wadaagtay halgankii SNM iyo nabadayntii Somaliland. Waxa hubaal ah inay tahay geeri ku timid halyey qaran oo qarankoo dhan xukuumadda seddexda Gole, Xisbiyada iyo ururada bulshada ee Soomaliland dhammaan la qaybsanayaan beesha iyo qoyska suldaanka naxdinta iyo murugada tacsida.

 Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka Suldaan Daahir inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN 

Axmed Xasan Carwo 
La-taliyaha Madaxweynaha SL 
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga 

eci.advisor@gmail.com

http://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: