22 August, 2013

Gabadh Hooyadeed ka dalbatay in ay u Fasaxdo Zinada Iyo Hooyadeed oo Shuruudo ku Xidhay !!

Gabadh Hooyadeed ka dalbatay in ay u Fasaxdo Zinada Iyo Hooyadeed oo Shuruudo ku Xidhay !!

Subxaanallaah waa dhacdo Xaqiiq ah oo layaab leh runtii gabadh da’yar ayaa hooyadeed ka dalbatay ogolaansho si ay ugu banbaxdo Samaynta Galmada aan sharciga ahayn (Zinada).
Taas oo sharci ahaan aynu ognahay halka uu Islaamku ka taaganyahay oo qofka dhalinyarta ah ama aan guur xalaala soomarin lagu xukumayo 100 jeedal oo lagu karbaashayo meel fagaare ah .halka ka xaaska leh ama soomaray guurna xukunkiisu yahay dil,kaas oo ku fulaya in dhagax lagu dilo.
Kolay hooyadii caqli iyo garasho ilaahay u dhiibay inay gabadheeda wax u sheegto mooyee Tallaabo kale malaha ku dhaqaaqi mayso ayaan isleeyahay.
Hadaba markay gabadhii hooyadeed u soo bandhigtay sida u rabto arintan in loo fasaxo ayay hooyadeed ka ogolaatay balse shuruud ayay ku xidhan oo waxay tidhi hadad shuruudayda kazoo baxdo Adna waan kuu ogolaanayaa waxaad rabto ?
Gabadhii ayaa iyada oo aad u xamaasadaysan soo booday….Hooyadii aya tidhi Shuruudu Waa arrin tijaabo ah marka hadaad arrintaa bilow ilaa dhammaad siday tahay u samayso isla markaana aad ku guulaysato Adna waxad xaq u leedahay inad samayso wax alla waxaad jeceshahay ‘ gabadhii way ogolaatay arrintii.


Hooyadeed waxay u sheegtay in ay aroornimada kacdo oo ay hor istaagto Aqalka uu galo ninka Magaalada xukuma kadibna marka uu soo baxo ay dhulka isku tuurto sidii qof Miir beelay oo kale….
Kadibna ay eegto waxa dhaca.
Arintii ayay gabadhii ku dhaqaaqday isla aroornimadiiba waxay sii hor istaagtay Aqalkii uu Hogaamiyuhu daganaa, markii uu soo baxay ayay dhulka isku tuurtay sidii qof miir belay oo kale, Ninkii hogaamiyaha ahaa ayaa si degdega ugu soo orday gabadhii oo kor u qaaday dad badan baa ku soo ururay iyaga oo aad u danaynaya wax laqabashadeeda.
Way istaagtay sidii qof soo nafisay oo kale waxayna u mahad celisay hogaamiyihii, gurigoodii ayay dibu ugu noqotay gabadhii kadibna hooyadeed ayay arrintii u sheegtay siday wax u dhaceen, Hooyadeed waxay u sheegtay inay Barina Dhacdadii hore oo kale samayso isla goobtii iyo goortii marka uu soo marayo Hogaamiyuhu.
Gabadhii dhalinyarada ahayd maalintii labaad ayay samaysay bilkeedintii ay hooyadeed ku xidhay balse natiijadu sidii hore may noqon.
Waayo markan ninkii hogaamiyaha ahaa kumuu soo dhaqaaqinba oo Wasiirkii ayaa ayaa garba galeeyay qaar ka tirsan ilaalidii hogaamiyaha ayaa hareeraha ka soo istaagay halka aanu hogaamiyihii dhankeedaba soo dayin oo uu iska watay socodkiisii …!!
Caadigii ayay ku soo noqotay iyada oo muujinaysa farxad ayay u mahad celisay Wasiirkii iyo ilaaladii la socotayba, Gabadhii dhankii hooyadeed ayay u baqooshay waxaanay uga warantay sida ay wax ula kulantay bilkeedintan labaad waxaanay su’aashay hooyadeed waxa u hadhay ?
Hooyadii waxay u sheegtay in ay mar sadexaad ku noqoto isla goobtii oo ay samayso
Intii hore looga bartay .
Gabadhii maalinkii xigay ayay bilkeedintii samaysay dhulka ayay isku tuurtay sidii qorshuhu ahaa
Marka ay aragtay Hogaamiyaha oo gurigiisa ka soo baxaya markan ninka hormoodka u ah ilaalada hogaamiyaha ayaa ku soo dhaqaaqay kadibna wadada dhinac uga saaray isaga oo dhulka jiidaya
Agteedana may soo istaagin inyar oo ilaalida kamid ah mooyee waanay iskaga tageen …….


Gabadhii dhalinyarada ahayd hooyadeed ayay dib ugu noqotay iyada oo silicsan darranyo badana ka muuqato, hooyadeed ayay waydiisay inay dhammaatay bilkeedintii ?
Hooyadii waxay u sheegtay inanteedii in aanu wali dhammaan tijaabadii oo waliba ku celiso isla filmkii saddex ayaamood oo danbe maalinta saddexaadna ay tahay maalinta Imtaxaanka .!!
Way kasoo baxday waanay samaysay Sadexdii casho ee danbe waxay hooyadeed ka dalbatay waxaana la gaadhay maalitnii ugu danbaysay ee imtaxaanka kadibna hooyadeed ayay u timid iyada oo oohin la ilmaynaysa, Waayo tijaabadu dhibkeeda ayay sii badisay ilayn waa qof la bartaye cid wax tarta iska daaye waala xaqiray oo waala hiifay.
Iyada oo kii soo gaadhaba xumaan kala kulmaysay halka qaarna ay ficil ugu dareen oo ay laag la dhaceen.
Hooyadii xikmada badnayd ayaa hadalkeedii bilawday waxayna tidhi : inantaydiiyeey Zinadu waa sidaas oo kale inta hore ee aad cusubtahay dadka sarsare ayaa ku soo dhawaynaya sida dadka lacagta leh iyo dadka caanka ah, Markad in muddo ah sinaysatana dadku way ku baranayaa oo way kaa yaacayaan iyga oo ku xaqiraya xataa dadka kuwooga ugu liita ayaa iyaguna dhulka ku jiidjiidi doona Sharaftaadiina kuu soo noqonmayso markaa ma sidaasad ku rabtaa inaad sinaysato hooyo.


Gabadhii way garwaaqsatay hadalkii hooyadeed oo waxay si waynu ugu mahadcelisay hooyadeedii xikmada badnayd waxa kale oo ay u sheegtay in aanay waligeed sinaysan doonin xataa hadii samada iyo dhulka la isku soo qabto.
Zinadu waa danbi aad u wayn sida Quruurada hadii la jabiyo way adagtahay marnaba in lagu soo celiyo sideedii oo kale qofka wax garadka ahina waa qofka qaata qawlkii ilaahay iyo rasuuslkiisna SALLA-LAAH CALAYHI WASALAM kuna camal fala talooyinka sheekooyinka dhacayna wax ku qaata.
Zinada waxa ka dhasha raadad aad u xun xun oo ay ku reebto qofka Sameeya Taasoo keenta Xanuuno kala duwan oo Ku gudba Galmada aan Sharciga ahayn Sida Waraabawga, jabtida iyo Qaar kale oo badan oo uu ugu khatar sanyahay Cudurka sida dahsoon umadadeena ugu dhex-faafaya ee HIV AIDS.Waxa kale oo ka dhasha Xumaanta Zinada warwar,warbahaal aduun iyo shaadh madoobe-nimo taasoo keensata inuu qofku Sharafta iyo qadarinta uu bulshada dhexdeeda ku haysto in uu waayo, kuwanina Waxay kamid yihiin waxyaabaha faraha badan ee ka dhasha inta aduunka la joogo balse la soco Cadaabka ilaahay oo Darran ayaa ka sii danbeeya.

Qalinkii: Maxamedshakir Siciid Cabdi (shaakir)

No comments: