05 August, 2013

Degmada Xarshin oo Khaati Ka Taagan Shimbiro Sumaysan oo Berkadaha Biyaha raxan-raxan ugu Dhimaya.


Degmada Xarshin oo Khaati Ka Taagan Shimbiro Sumaysan oo Berkadaha Biyaha raxan-raxan ugu Dhimaya.



Xarshin(xogogaalonline).xog uu siiyay Wariyaha cakaaranews madaxa xafiika Beeraha Degmada Xarshin C/rashiid ayaa xaqiijinaya in ay aafeeyeen baraagihii kaydka biyaha ee ku yaalay Degmada xarshin Shimbiro iyagoo duulaya raxan-raxan ugu soo hoobanaya Baraagaha Biyaha,halkaasna ku Qudhbaxaya balse sida ay dhakhaatiirta caafimaadku sheegeen uga digay Shacabka in ay ka fogaadaan isticmaalka Biyaha ay shimbirahaasai ku dhaceen maadaama lagu sheegay in ay wataan nooc ka mida Viruska loo yaqaan SBV-Virus.


Degmada Xarshin ayaa ay ku yaalaan Baraagaha kaydka biyaha ugu badan deegaanka iyadoo ay ku yaalaan ilaa 13kun oo barkadood oo ay Dadka iyo Duunyaduba ka cabaan,inkastoo masiibadan ka dhacday xarshin hadana waxaa ay xukuumadu ku guulaysatay in ay ka soo saarto deegaanka Xarshin Biyaha Dhulka Hoostiisa ku jira laguna guulaystay ceel-biyoodkii ugu horeeyay oo la qoaday masaafo dhan dhulka hoostiisa ilaa 600m.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: