09 July, 2013

Nuxurka War-saxaafadeed ay si wadajira u soo saareen Musharaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga UCID

Nuxurka War-saxaafadeed ay si wadajira u soo saareen Musharaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga UCID

Hargeisa--War saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Musharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Ku xigeenkiisa Cabdrisashiid Xasan Mataan oo ay Kaga hadleen wadahadalada Istanbuul ee dhexmaraya ergooyinka Somaliland iyo Somaliya iyo arimo kale oo doora ayaa u dhigan sidatan:

1. Marka hore waxaanu soo dhowaynaynaa wada hadallo kasta oo dhex mara Somaliland & Somalia sida ay bulshada caalamkuba u dhiirrigelinayaan; haseyeeshe waxaanu soo jeedinaynaa wadahadalku inuu noqdo mid midho dhala, ee aanu noqon mid sii soco oo soo soco ah.

2. Waxaanu aaminsanahay in taasi ku suurto gali karto, in marka hore la caddeeyo Agendaha shirka iyo qodobada laga wada hadlayo. Marka la isku raaco qodobada laga wada hadlayo ayaa la gaadhi karaa meel looga sii socon karo, wada hadalka iyadoo laga wadda dheregsan yahay arrimaha shirka lala tegaayo.

3. Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, talo way u baahan tahay iyo in ay axsaabta qaranka ka qayb geliso talooyinka qaran sida tan wadahadalka oo kale ah, haseyeeshee waxay xaq u leedahay xulashada ergada wadahadalka, iyadoo marwalba laga duulayo in masiirka shacabka Somaliland ee gooni isu taaggu yahay mid aan gor-gortan geli Karin. Xisbiga UCIDna waxa ay ummaddu u igmatay inay ku ilaaliyaan xisbiga talladda haya markasta oo ay u arkaan in laga leexanayo wadaddii ka midho dhalinta hanka shacabka Somaliland. Markasta oo aanu aragno in dariiqii laga leexanayana waa mid naga go’an in aanu shacabka la wadaagno.

4. Xisbiga UCID wuxuu aaminsanahay in ergooyinka wada hadalka ka qayb galayaa ay ahaadaan kuwo la mida ama leh miisaankii iyo saamigii ergadii calanka ka soo qaadaysey Ingiriis wakhtigii xoriyadda ee 1960kii, saami ku suntan ergo isleeg tiro ahaan beesha dhexe iyo beelaha darifyada; waxaanan xukuumadda Kulmiye u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan is indhotirka dhowraana wadajirka, calool fayoobida iyo wax wada lahaanshaha shacabka S/land.


5. Siyaasadda Xisbiga UCID waa mid ku qotonta in aan walaalaheena Somalia ee aynu kala baxnay 1991 kii ahaano walaalo derisa, isla markaana kula noolaano is jacayl la mid ah ka aynu u hayno walaalaheena Dawlada Deegaanka Somaalida Ethiopia ama walaalaheena Soomaaliyeed ee Dawlada Djibouti ama walaalaheena ku jira Dawladda Kenya.

6. Ugu Dambayn, waxaan soo jeedinaynaa in ay madaxda qaranka iyo kuwa xisbiyaduba dhowraan anshaxa masuuliyadda kana waantoobaan hadalada aan habboonayn ee saxaafada la isu marinayo.”
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: