04 July, 2013

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex oo Damaanad ku sii daysay wariyayaasha Wargeyska Hubaal ee Shalay la Xukumay.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex oo Damaanad ku sii daysay wariyayaasha Wargeyska Hubaal ee Shalay la Xukumay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Duraan ayaa saxaafadda Madaxa...

Hargeysa(GNS) Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex ayaa Goor dhawayd Damaanad ku sii daysay masuuliyiinta Wargeyska Hubaal, oo 
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex shalay ku riday Xukuno kala duwan. 

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Duraan ayaa saxaafadda Madaxa banaan ka aqbalay in Damaanad lagu sii daayo labada Wariye oo xabsiga Dhexe ee Hargeysa ku jiray, inta ay Maxkamaddu galayso Dacwada Rafcaanka ah ee ay ka qaateen xukunkii shalay. 
Aqbalaada Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa isla maanta Amray in la sii daayo Suxufiyiinta Wargeyska Hubaal kadib markii uu ku qancay Codsiga Damaanada, iyadoo labada Wariye laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa. 
Sii daynta wariyayaashan ayaa ka dhalatay wadahadal hore ugu socday Xukuumadda Somaliland oo kiiskan dhibane ka ahayd iyo masuuliyiinta Warbaahinta Madaxa banaan, kuwaas oo isla shalay markii xukunkan dhacay kulan deg deg ah ka yeeshay Arrintan. 
Labada dhinac ayaa isla af-gartay in Khilaaafka Xukuumada iyo Saxaafada lagu dhameeyo Miiska wada hadalada Labada dhinaca ay ka Dheeraada Wixii Xasaasiyad dhalinaya, Isla markaana Damaanad lagu sii daayo Labada Wariye horena loo sii wado wadahalada labada dhinac u socda 

Gabiley News Desk 
Hargeysa.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: