09 July, 2013

LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DHAQAALAHA AXMED XASAN CARWO OO HANBALYADA RAMADAANKA U DIRAAYA UMMADDA SOMALILAND IYO ISLAAMKA

LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DHAQAALAHA AXMED XASAN CARWO OO HANBALYADA RAMADAANKA  U DIRAAYA UMMADDA SOMALILAND IYO ISLAAMKA


Waxa berrito Arbacada 10 July 2013 inoo bilaabmaysa bisha barakaysan ee Ramadaan, bisha soonka, bisha quraanka, bisha dambi dhaafka, bisha nafta lala xisaabtamo, Allana sheydaanka inga xidho.

Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda islaamka, iyo Soomalida ku nool shanta dal Somaliland, Somalia, Jabuuti, Ethiopia Somali Zone, iyo Somalida Kenya, sidoo kale Soomalida qurbojooga ah ee daafaha dunida ku daadsan.

Waxaan dalka Somaliland xukuumad, shacbi, rag iyo dumar, dhalin iyo waayeel, miyi iyo magaalo u baryayaa in Alle barakada soonka nimco iyo barkhad inoogu daro , in Alle nabadda inoo xoojiyo. Sidoo kale ayaan u rajeynayaa Soomalida kale iyo guud ahaan dunida Islaamka.

Allow meeshii dab ka baxaayo dami, Allow colaadda ka qaad dunida Islaamka, Allow beerkooda burcad isu mari, Allow adaa awood u leh ee u gargaar shacbiga Suuriya iyo Falastiin.

Waxaa habboon in qof waliba xisaabtamo oo qaladkuu galay ka toobad keeno, haddaad xil ummadda u hayso xisaabtan, oo xusuuso inay geeri iyo xisaab aakhiro ku sugayso, xilka naftaada iyo qoyskaaga kaa saaran qiimee oo u gudo sida ugu habboon. Iska jir markhaatiga beenta ah. Ma aha markhaatigu kan maxkamadda uun laga hor furo, waxa ka mid ah qoraalada beenta ah ee qofna lagu daafacaayo qofna laga been sheegaayo. Waxa ka mid ah TVga qof keliyi kolba waji soo gashanaayo.  

Dambi aadmi ayaa loo yahay oo waa ina daan weyne, ee waxa la rabaa soo noqosho iyo toobad keen. Allow ha na dilin anagoon toobad keenin, Allow dambigayaga, kii waalidiintayo, ka muslimka kii dhintay iyo kan noolba Allow dhaaf. Allow ha naga dhigin kuwa ammaanada ummadda ku tagri fala mid umadeed iyo mid shakhsiba. Allow ha noo ciqaabin danbiga ay galaan kuwa aan noo naxayn adna kaa cabsoonayn. Allow naga qabo kuwa iyagoo xumaan samaynaaya  ku dhuunto diinta iyo munaafiqiinta. Aaamiin.

Muslinow yeyna ku dhaafin barakada Ramadaan, soonka raaci quraan akhris iyo taraawiixda, iska jir golayaasha xanta iyo beenta, ka dheerow namiimada iyo isku dirka.

Alle heyna hanuuniyo dhammaanteen danbiile ayeynu nahay ee Alle dambigeena ha dhaafo. Aamiin.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: