17 June, 2013

Xeer ilaalinta & Maxkamadda Gabiley Oo Isku Maandhaafay Dacwad Xasaasi ah

Xeer ilaalinta & Maxkamadda Gabiley Oo Isku Maandhaafay Dacwad Xasaasi ah
Gabiley (Somaliland.Org): Xafiiska xeer ilaalinta gobolka Gabiley iyo Maxkamada gobolakasi ayaa la sheegay in muddooyinkan danbe uu soo kala dhexgalay khilaaf adag oo meel sare gaadhay, kaasi oo ka dhashay dad ay booliska gobolka Gabiley xidh-xidheen oo ku eedaysan danbi ah inay dhalinyarada si sharci daro ah dalka uga tahriibin jireen.
Dadkan ku eedaysan falka tahriibinta ah oo la sheegay in ciidamada booliska gobolka Gabiley ay qabteen labadii bishan, ayaa weli ku xidhan saldhiga dhexe eebooliska Gabiley, waxaana la sheegay in dadkaasi eedaysaneyaasha ah qaar ka mid ah uu danbiga loo haystaa kuc ad yahay halka qaarna ay u xidhan yihiin tuhuun.
Taliyaha ciidamada booliska Somalialnd sareeye guuto C/laahi fadal Iimaan iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse (Aadan Xero-dhiig) ayaa shalay waxay magaalada Gabiley u tegeen sidii ay us oo xalin laaayeen khilaafkaasi soo kaal dhex galay xafiiska xeer ilaalinta gobolka Gabiley iyo ciidamada boolsika oo isku dhinac ah iyo maxkamda gobolkaasi.
Waxaanay ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo taliyaha ciidamda boolisku kulamo la yeesheen dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo, waxaanay labadaasi masuul oo kulamadaasi ay dhinacyada khilaafku u dhexeeyo la yeesheen ka dib warbaahinta la hadlay sheegeen in ay soo af-jareen khilaafkaasi muddooyinkan danbe soo kala dhex galay xafiiska xeer ilaalinta Gabiley iyo maxkamada gobolkaasi.
Taliyaha ciidamda booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse (Aadan Xero-dhiig) oo si wada jir ah kulamadaasi ka dib warbaahinta faah-faahin ka siiyay u jeedada socdaalka ay Gabiley ku tegeen iyo waxyaabaha ka soo baxay kulamadii ay dhinacyada khilaafku u dhexeeyo la yeesheen, aya sheegay in ay ku guulaysteen in ay soo af-jaraan khilaafkaasi u dhexeeyay xafiiska xeer ilaalinta Gabiley iyo maxkamdaa Gabiley.
Taliyaha ciidamda booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, oo arrimahas ka hadlaya waxa uu yidhi "Kormeerka aanu halkan(Gabiley) ku nimid aniga iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku, waxa uu ahaa sidii aanu u xoojin lahayn ama u dar-dar gelin lahayn hay'adaha garsoorka gobolka Gabiley, haday tahay xeer ilaalinta, maxkamadaha, booliska iyo asluubta oo ah sil-silad wada shaqaysa, si fiican ayaanu shirkaasi noogu dhamaaday oo guul ah, waxay ahayd uun sii xoojin, markii horeba way wada shaqaynayeen, wax dhib ahina ma jirin ee cabasho ayay ahayd".
Sidoo kale ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Aadan Axmed Muuse (Aadan xero-dhiig), oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi "wixii aanu halkan (Gabiley) u nimid waanu dhamaynay, waxaanan kula talinay labda dhinacba hawlaha inay dar-dar geliyaan, guud ahaana nabadgeliyada gobolka ay ilaaliyaan, qaabka maxaabiista loolana kormeer ayaanu ku samaynay, intaas ayuu u jeedada socdaalkayagu ahaa."
Garsooraha maxkamada Gabiley C/raxmaan Maxamuud (Tamaandho) ayaa isna ka hadlay waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya maxkamda, waxa uu yidhi "baadhista dacwaduhu waxay ka bilaabantaa saldhiyada booliska, marka ay soo baadhaan saldhigyadu waxay dacwadaha ciqaabta ah u soo gudbiyaan xafiiska xeer ilaalinta, dacwadaha ciqaabta ah maxkamada had iyo jeerka haysta waa xagga baadhista booliska, kuma cada baadhistooda danbiga dhacay cadayimihii loo hayay, xataa dacwada loo hayo dhibaneyaasha ma soo raciyaan ee dansanayaasha, waxaa caqabaha garsooraha maxkamada ka hor yimaada ugu waawayn arrimahasi, xafiiska xeer ilalintu dawlada ayuu metalayaa, markaa waxa ka mid ah hawlihiisa in aanu arrimaha dawlada oo keliya ku ekaan, bal se uu xuquuqda muwaadiniintana ilaaliyo. xafiiska xeer ilaalintu wuxuu had iyo jeer wuxuu culayska saaraa maxkamada, iyo garsooraha wixii lidi ku ah".
Xeer ilaaliyaha gobolka Gabiley Aadan Salaad ayaa isna eedahaasi iska difaacay, waxaanu yidhi "waxa jira dad eedaneyaasha ah, tuhunsaneyaal ah, marna qofku waa tuhusane, marna waa danbiile, anagu ilaa hada waxaanu u aragnaa waa eedaysane ama tuhunsane, way jiraan dad tuhunsaneyaal lagu eedaynayo inay ka danbeeyeen oo ay shaqo ka dhigtaan inay ka ganacsadaan dhalinyarada tahriibaysa).
xafiiska xeer ilaalinta Gabiley iyo booliska oo isku dhinac ah ayaa la sheegayaa inay maxkamda Gabiley ku eedyeen in aanay ka gaabisay waajibaadkeedii iyo talaabadii loo baahnaa ee ay ahayd in ay ka qaado dadka danbiyada kala duwan ku eedaysan ee ay booliska soo qabtaan. waxaanay ku tilmaaneen in maxkamdu ay laaluush ka qaaadato dad ay boolisku soo qabteen oo ay loo haysta.
Dhinaca kale wararka naga soo gadhaya magalada Gabiley ee arrintaasi la xidhidha ayaa sheegaya inay socdaalkaa ay taliyaha ciidamada booliska iyo ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaaranka ay sii dedejisay ka dib markii shalay subaxnimadii hore nin dacwoode ahi uu isku del-delaby geed maxkada Gabiley horteeda ku yaala, kaasi oo la sheegay inuu cadaalad daro ka tirsanayo maxkamada Gabiley, inkasta oo la sheegay in la badbaadiyay ninkassi isdeldelay intii aanu dhiman.
Somaliland.Org/Hargeysa

No comments: