19 June, 2013

Ururka Xaqsoor Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Qodobadii Ay Kula Heshiiyeen Xukuumadda Iyo Sababta Bulshadda Loogu Soo Bandhigi-Waayey

Ururka Xaqsoor Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Qodobadii Ay Kula Heshiiyeen Xukuumadda Iyo Sababta Bulshadda Loogu Soo Bandhigi-Waayey

Hargeysa, June 20, 2013 (Halbeegnews) – Guddoomiyaha Urur siyaasadeedkii Xaqsoor ee hadhay isla markaana ahaa Madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa ka xog-waramay sababta bulshadad loogu soo bandhigi waayey qodobadii ay kula heshiiyeen xukuumadda Somaliland oo wada-hadal u socday ka dib ay todobaadkan shaaciyeen in la soo afjaray khilaafkii ka dhextaagnaa.

Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise waxa uu sheegay in wada-hadaladii ay xukuumadda la lahaayeen in lagu heshiiyey saddex qodob, isla markaana waxa uu xusay in wajiga gabo-gabada ee wada-hadaladaasi inay bulshadda Somaliland u soo bandhigi doonaan qodobada lagu heshiiyo. Waxaana sidaas uu ku sheegay Xasan Ciise Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay oo uu caawa ka soo saaray Magaaladda Hargeysa, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

“Wadahadaladii ka dhaxeeyay ururka xaqsoor iyo xukuumada Somaliland qaybtiisii hore waxay ku dhamaatay afar qodob oo guud ooy isku raacee n gudigii laba geesoodka ahaa. Gudigaasi mudo sadex bilood ah ayuu muujiyey dadaal badan waanay ku mahadsan yihiin.

Waxa markaas hadhsan in qaybta labaad ee wadahadalada loogu talo galo in tafaasiishii loo galo. Marka marxaladaas labaad la gabgabeeyo ayaa dadka loo sheegi karaa tafaasiisha qodobada lagu heshiiyo. Imika waa la heshiiyeyna waa la yidhi dadkiina looma sheegin waxa lagu heshiiyey waxa uu yahay. Sababta oo ah waxa aan la gaadhin oon imika la ahayn tafaasiishii qodobada ay tahay in lagu heshiiyey. Arintani waxay dhalisay su’aalo ka badan inta ay ka jawaabtay. Waxa aan xasuusinayaa taageerayaasha xaqsoor iyo shicibka Somaliland in Xaqsoor aan cidina uga lexojeclo badnayn wanaaga dalka Somaliland iyo midnimada dadweynaha reer Somaliland. Xaqsoor si daacad ah ayuu u galay wadahaladan,waxaanu diyaar u yahay inuu ku dhamaystiro si cadaalad ah oo xaqsooraysan ooy ku jirto danta iyo wanaaga wadankeenan qaaliga ah ee Somaliland. Waa hadii laga helo dhinaca kale ee xukuumada maanta xilka iyo amaanadu saaran tahay”.Halbeegnews/Hargeysa Office.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: