03 June, 2013

Tahriibayaal Reer Somaliland Ah Oo Gaajo Iyo Haraad Ugu Dhintay Saxaraha U Dhexeeya Sudaan & Libiya Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadkaas


Tahriibayaal Reer Somaliland Ah Oo Gaajo Iyo Haraad Ugu Dhintay Saxaraha U Dhexeeya Sudaan & Libiya Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadkaas


Tahriibayaal Reer Somaliland Ah Oo Gaajo Iyo Haraad Ugu Dhintay Saxaraha U Dhexeeya Sudaan & Libiya Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadkaas

Hargeisa-(Geeska)-Tahriibayaal tiradooda lagu sheegay 12 ruux oo Somali ahi oo ay lix ka mid ahi reer Somaliland yihiin ayaa toddobaadkan gaajo iyo haraad ugu dhintay saxaraha u dhexeeye Suudaan iyo Liibiya. Sidaas waxa warbahinta u xaqiijiyay muwaadin reer Somaliland ah oo ka mid ah dad ay kooxo budhcad ahi afduub ahaan u haystaan.


Dadkan ayay intooda badani dhawaan ka tahriibeen magaalada Hargeysa, waxaana shalay ilaa doraad geeridooda la soo gaadhsiiyay qoysaskii ay ka baxeen. “Dadkaasi way geeriyoodeen, waxaanay u dhinteen gaajo iyo haraad, annaga ayaana gacmahayaga ku aasnay.” Sidaas waxa yidhi wiil reer Somaliland ah oo ku sugan caasimadda saddexaad ee Liibiya oo ay ku haystaan kooxo budhcad ahi, oo Telefoonka xalay ugu waramay warbaahinta, waxaanu intaas raaciyay. “Dadku wakhtiyo kala duwan ayay geeriyoodeen, qaar baa lix cisho ka hor aanu aasnay, qaar kalena sagaal cisho ka hor, sidaas ayay isugu jiraan. Annaguna waxaanu ku xidhanahay caasimadda saddexaad ee Liibiya oo waxa nahaysta magafayaashii u dambeeyay oo haddii aanu dhaafno Tiripoli [Caasimadda Liibiya] ayaanu galaynaa.”

Wiilkan dhallinyarada ah ee Geeska Afrika; telefoonka ugu waramay oo aanu weydiinay bal inuu sheego qaar ka mid ah magacyada tahriibayaasha reer Somaliland ee geeriyooday, wuxuu yidhi, “Waxa ka mid ahaa Guuleed Maxamed, Maxamed Cabdisalaan, Axmed Caateeye, Wiil Mahad la yidhaahdo oo reer Muqdisho ah, Carab. Intaas ayaan walaal ka xasuustaa.”


Tahriibka ayaa u muuqda inuu sannadkan xadhkaha goostay, mana muuqdo qorshe ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu tallo gashay inay kaga hortagto, waxaana dadkan tahriibay ka mid ah kuwo u shaqeeya dawladda iyo kuwo ay waalidkood u shaqeeyaan.

Geeska
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: