22 June, 2013

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Xulalkii Ku Guulaystay Tartankii Ciyaaraha Goboladda

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Xulalkii Ku Guulaystay Tartankii Ciyaaraha Goboladda

“Waxaanu Doonaynaa Inaanu Soo Saarno Ciyaartoy ka qeyb gala ciyaaraha caalamka oo magac ku yeesha”
“Ciyaaraha looguma tallo-gelin inay noqoto inay noqoto meel lagu coloobo iyo meel la iskaga hor yimaado”
HARGEYSA (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay oo soo dhaweeyay xulalka goboladda Maroodi-jeex iyo Gabiley oo ku kala guulaystay koobabkii kubadaha Cagta iyo Kollayga ee tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland oo shalay lagu soo gunaanaday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirradda Ciyaaraha, Warfaafinta, Madaxtooyadda, Badhasaabadda Goboladda Maroodi-jeex iyo Gabiley iyo xulalkii kubadaha cagta iyo kollayga ee maroodi jeex iyo Gabiley.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay labadan xul ku bogaadiyay dedaalkii ay ku mutaysteen inay noqdaan horyaalka kubadaha cagta iyo kollayga.
“Waxa Farxad weyn maanta ii ah inaan halkan Madaxtooyadda kula kulmo dhalinyaradii ciyaarihii goboladda ka qeyb galay ee ku guulaysatay. Xulka Maroodijeex oo ku guulaystay koobkii kubadda cagta iyo xulka Gabiley oo ku guulaystay koobkii kubadda kollayga ee tartanka goboladda,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in ciyaaruhu ay qaranka ugu fadhiyaan magac iyo maamuus, waxaanu yidhi “Ciyaaraha Markaynu ciyaarayno waxay qaranka u leeyihiin magac iyo maamuus. Dunidda oo dhan ayaa laga daawadaa oo laga dhegaystaa.bulshadeena isku xidhkeeda, is dhex galkeeda iyo waddaniyada qeyb ka mid ah weeye.”

“Ciyaaraha looguma tallo-gelin inay noqoto inay noqoto meel lagu coloobo iyo meel la iskaga hor yimaado inay noqoto. Waxa loogu tallo galay inay noqoto meel dhalinyaradu isku barato oo isku dhex gasho oo ay noqdaan meel ay ku farxaan oo ku ciyaaraan,”ayuu intaas raaciyay madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu tallooyin u soo jeediyay ciyaartoyga dalka, waxaanu yidhi “Waxaan doonaynaa ciyaartoy ka qeyb gasha ciyaaraha adduunka oo magac iyo maamuusba ku yeesha inaanu soo saarno ayaanu doonaynaa. Ugumaynaan tallo gelin dhalinyaro magaalo ka timi inay iyagu is qabsadaan oo is dilaan, macnaha ciyaaruhu kaas ma aha.”
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu dhalinyarada Somaliland ku booriyay inay u soo jeedsadaan ciyaaraha, dhismaha jidhkooda iyo dhismaha maskaxdooda inta ay dalka ka baxayaan.
Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan 13-kii xul ee ka qeyb galay tartankii ciyaaraha goboladda.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cali Siciid Raygal oo ka waramay marxaladihii taranka ciyaaraha goboladu soo maray iyo qorsheyaashooda la xidhiidha horumarinta ciyaaraha. Ugu dambayn waxa madaxweynaha Somaliland uu labadan xul gudoon siiyay koobabkii iyo abaal-marinadii ay ku guulaysteen
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: