LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA AXMED
CARWO OO HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRAYAA XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA

Waa ruug caddaa muddo
dheer siyaasi soo ahaa golaha sharcedejinta, maamulkii SNM, nabadeentii, Golaha
Wasiirada, iyo kaalinta kowaad ee uu kaga jiray xisbiga KULMIYE ayaa u marag ah.
Waa nin ay u dhantay aqoon siyaasi iyo waayo-aragnimo noloasha Soomaliland dhan
walba.
Waxuu ku samray mabda’iisa.
Marna, nolol kasta oo adag oo soo martay muu noqon nin hoos u dhiga fikirkiisa xorta ah. Maanta
waxuu helay midhihii samirkiisa. Waana mid daris u ah rag badan oo dabayshu
kolba dhan u kaxayso, dhaawac weyna u geesta geedi socodka dimuquraadiyadda.
Inaynu helno xukuumad iyo shacbi ku naalooda nidaamka dimuquraadiyadda
xisbiyada badani waxay u baahantay rag iyo dumar ku adkeysta xisbinimada oo
dhidibka u taaga dimuquraadiyadda.
Shacbigu waxay xaq u
leeyihiin inay kala doortaan xisbiyada, ooy kolba key kheyr u arkaan doortaan,
haddii se ay walaaq noqoto oon cidba loogu imanayn xisbiyada, ma garan karaan
cidda ay doortaan.
Hanbalyo ayaan leeyahay
saaxiibkey XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA., halkaas ka wad oo hayso mabd’aad
ku caano maashay, golaha kaga shaqee siyaasadii caddayd ee KULMIYE leynagu
doortay ilaa haddana aad ahyd inta yare e dabo socoto. Maxamuud Jaamac waa Guddoomiye Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Axamed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalah
No comments:
Post a Comment