04 June, 2013

Jariiradda ugu Caansan Dalka Kenya oo Warbixin Qiimo leh Ka Diyaarisay Somaliland: “Qayb ahaan, Anigu waxaan halkan u joogaa inaan Kenya ka barto hanaanka kobcinta dhaqaalaha” – WASIIRKA ARRIMAHA DEBEDDA SOMALILAND


Jariiradda ugu Caansan Dalka Kenya oo Warbixin Qiimo leh Ka Diyaarisay Somaliland: “Qayb ahaan, Anigu waxaan halkan u joogaa inaan Kenya ka barto hanaanka kobcinta dhaqaalaha” – WASIIRKA ARRIMAHA DEBEDDA SOMALILAND


STANDARD NEWSPAPER
Nairobi (SLpost)- Jariiradda ugu afka dheer uguna da’da weyn dalka Kenya ee The Standard oo qayb ka ah Bahda Warbaahinta kala duwan ee Standard Media Group, ayaa warbixin si qoto dheer uga warramaysa Somaliland iyo horumarkeeda ku soo qortay Boggeeda hora cadadkeedii shalay Soo baxay.
Warbixinta oo uu qoray Wariye GEOFFREY MOSOKU bahda Standard Media, waxa uu warbixintiisa ku soo qaatay xog-warran uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Dalka Kenya.
Waxa lagu xusay warbixintan koboca xidhiidha dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, halka sidoo kale lagu soo qaaday xidhiidhka soo-jireenka ah iyo meelaha ay labada dalka Taariikhda ka wadaagaan.
Warbixintan oo dhammaystiran, ayaa u dhigneyd sidan: “Wadanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku gudo jira dedaalada uu ku xoojinayo xidhiidho adag oo dhinaca dhaqaalaha ah oo uu la samaysto wadamada dariska la ah, iyo kasbashada  saaxiibo ka caawiya aqoonsi raadinta ay xooga saaraya
Codsiga in loo aqoonsado wadan madaxbanaan ee ay u gudbiyeen midowga Afrika, ee ay wali sugayaan jawaabtiisa, ka sokow, wadankan curdinka ahi, wuxuu xidhiidho dhow oo maalgashiga iyo dhaqaalahaba ah la lahaa wadamada jaarka la ah iyo wadamo badan oo kale oo aduunka ah, shirkadaha maalgashiga ayaa si xawli ah ugu hanqal taagaya macdanta iyo shidaal baadhista ka socota wadankan geeska Afrika ku yaala.
Xaaladan darteed, wasiirka arimaha dibada Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in koboca dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee uu wadanku kaga soo dhex mudhay wadamada gobolka darteed  ay suuro gallisay in lagu eego indho ka duwan kuwii hore loogu eegi jiray.
Dr Maxamed Cumar, waraysi khaas ah oo uu siiyey majalada The Standard ee ka soo baxda wadanka Kenya maalintii Axadii, wuxuu kaga waramay in wadanka Kenya uu casharo fiican ka siin karo wadankiisa qaababka loo samayn karo deegaan  haboon oo soo jiidata maalgashatada.
Wadankan qayb ahaan la aqoonsan yahay ee tirade shacabka ku nooli yihiin 3.5 million (saddex  milyan iyo badh) ayaa wakhti xaadirkan gudihiisa ay ka howl galaan wadamada , Ingiriiska , Maraykanka, Sweden, Kenya, Ethiopia, France, Belgium, Djibouti, South Sudan iyo Canada.
Marka laga yimaado waxaas oo dhan, wuxuu wasiirku tilmaamay in Ethiopia  safaarad dhamaystirani uga furan tahay Somaliland, taas oo bixisa adeeg-yada dalku galka (visa services) oo ay siiso dadka , ayna kala saxeexdeen heshiis is kaashi oo dhinaca baayac-mushtariga ah.
Xasilooni dhamaystiran
Wadamada UK, US iyo Ethiopia sidoo kale waxay qalinka ku wada duugeen iskaashiga iyo wadaaga xogta ee dhinaca Milatariga, qodobkan oo wax ku ool u ah jiritaanka xasiloonida iyo inay ka nabad gasho waxa ka dhacaya wadanka jaarkeeda ah ee Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in imika wadanka Kenya uu yahay furaha wadamada uu wadankiisu damacsan yahay inuu dhex maro heshiis wax wada qabsi oo ganacsiga iyo maalgashiga ahi.
“Tiro sii kordhaysa oo dadka Kenya u dhashay ah ayaa hada ku dhex nool kana shaqaysta Somaliland, kuwaas oo qaarkood ururada caalamiga ah ka howl galaan. Sidaas si la mid ahna, shacab badan oo reer Somaliland ah ayaa ku noolaa kana shaqaysanayay Kenya gudeheeda mudo dheer, waana taas saaxiibtinimada aanu doonayno inaanu sii xoojinaa,” ayuu yidhi.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray: “Qayb ahaan, Anigu waxaan halkan u joogaa inaan Kenya ka barto hanaanka kobcinta dhaqaalaha.”
Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi
Kadib markii Somaliland dhulkeeda la ogaaday inuu qani ku yahay, Saliida, Gaasta iyo dhuxul dhagaxda, waxay soo jiidatay indhaha maalgashatada caalamka, iyadoo heshiisyana la gashay shirkado badan oo ay ku jirto shirkad Kenya laga leeyahay, kuwaas oo loo ogolaaday baadhista  iyo soo saarida macdanta.
Somaliland iyo Kenya, ayaa dhinaca soo jireenka wax badan wadaaga, sida iyaggoo uu wada gumaysan jiray isticmaarkii Ingiriisku markii Somaliland loo yaqaanay British Somaliland. Tan iyo intii uu xornimadiisa dib ula soo noqdayna , wadanka waxa ka qabsoomay shan doorasho oo u dhacay si dimuqraadi ah.
Mudane Cumar, wuxuu sheegay in Somaliland ay hirgalisay wax badan oo saamaxaya deegaan maalgashatada raali galisa , balse ay wali u baahan yihiin taageerada beesha caalamka iyo mida maalgashatadaba oo dheeraad ah.
Meelaha ay xooga saarayaana ee in laga taageero u baahana waa, kaabayaasha ay ka midka yihiin, dugsiyada farsamada, cusbitaalada, garoomada ciyaaraha, dab dhaliye-yaasha tamaraha kala duwan ku shaqeeya, Biyo-xidheenada, maxkamadaha guur-guura, rugaha booliiska, xarumaha cilmi-baadhista iyo wadooyinka.
Laakiin caqabada ugu culus ee hor taagan maalgashadeyaal ajaanib ah oo si toos ah ugu dhiirada inay hantidooda galliyaan wadanka ayaa ah, iska indho tirida beesha caalamku iska indho tirtay horumarka iyo xasiloonida ka taaba qaaday Somaliland.
Wasiirka arimaha dibadu wuxuu ku dooday in Somaliland ay hirgalisay wax kastoo suuro gal ka dhigaya in la taageero Somaliland, loona baahan yahay in deeq bixiye-yaasha iyo maalgashatadu qiraal xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta wadankiisa.
Maxamed Cabdilaahi, wasiirka arimaha dibada ayaa  u yimid Kenya, sidii uu uga hadli lahaa arimaha Somaliland shirka maalgashiga Gobolka (Regional Investment Conference (Soric) oo ay wadajir usoo qaban qaabiyeen  Hanvard Africa iyo rugta ganacsiga Kenya.”
 Aidarous Sh. Omar
SOMALILANDPOST.NET


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: