23 June, 2013

Afhayeenka Guddida Qaban-qaabada Shirka Hodaale oo ka Hadlay Warar laga Baahiyey Guddidooda

Afhayeenka Guddida Qaban-qaabada Shirka Hodaale oo ka Hadlay Warar laga Baahiyey Guddidooda
afhayeenkaHargeysa (SLpost)- Afhayeenka Guddida Qaban-qaabada Shirka Hoodaale ee Beesha Sacad Muuse, Mr Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka), ayaa si adag u beeniyey warar warbaahinta qaarkood ku sheegtay in la kala diray guddida uu ka tirsan yahay, waxaanu sheegay in laysku raacay in guddidaas Hawshii ay ka hayeen qaban-qaabada Shirka ay halkiisii ka sii wadaan.
Afhayeenka oo qoraal uu arrintan ka hadlayo warbaahinta Soo gaadhsiiyey, ayaa sheegay inay jiraan shakhsiyaad isku dayaya inay ka hortagaan qabsoomidda Shirkaas, kuwaas oo uu ku tilmaamay inaanay danahooda u arag Qabsoomidda shirkaas, iskuna dayayaan tallaabo kasta oo ay ku carqabadeeyaan.
Qoraalka afhayeenka ayaa u dhigaan sidan: “Aniga oo ah Afhayeenka Guud ee guddida qaban-qaabada shirweynaha Beesha Sacad Muuse, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa Qoraal jawaab u ah Arrin ku soo baxday Warbaahinta Qaarkood oo lagu sheegay in la beddelay guddidii qaban-qaabada Shirkweynaha Hoodaale.
Sidaa awgeed, waxa aan halkan idinkula socodsiinaya:
- Inuu Qabsoomay shir muddakar ah oo ay isugu yimaaddeen Suldaanka Guud iyo Salaadiinta ardaayada beesha Sacad Muuse oo ay weheliyaan guddidii odayaasha ahayd ee uu hore u magacaabay Suldaanku, shirkaasna waxa si wada-jir ah loogu guddoomiyey:
- in goobta Shirku noqoto Agabar.
- in Taariikhda uu shirku qabsoomayaa dib loogu dhigay 17/08/2013 maadaama ay soo dhawadahay bishii Cibaadada ee Ramadan.
- Waxa reebban in Shir kale oon kaas ahayn la qabto.
- in Guddidii shirweynihii guddiyada beelweynta Sacad Muuse ku ansixiyeen Hotel Maansoor 6-dii April 2013 isla markaana uu ansixiyey suldaanka Guud ee Beeshu, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ay hawsha sidii ay ugu jireen u waddo.
Haddaba, iyada oo ay guddidani ku gudo jirto si xawliyana u waddo qaban-qaabada hirgelinta shirweynaha Hoodaale ee gudo iyo dibadba, ayaa waxa la yaab leh in warbaahinta qaarkood lagu qoro tibaaxo been abuur ah oo lagaga been sheegayo go’aamada kor ku xusan laguna sheegayo in meesha laga saaray guddidii hawshaba loo igmaday taasoo aan sal iyo raad doonta lahayn.
Haddaba, waxaan idiin sheegayaa sida ay muujinayaan xogta aanu haynaa in carqaladaynta shirka Hoodaale ay dabada ka riixayaan canaasiir u adeegaya gacmo-shisheeye una arkaaya in aan dantoodu ku jirin shirweynaha beelweynta Sacad Muuse.
Waxa aanu uga digaynaa cid kasta oo farogelin ku haysa ama carqaladaynaysa qabsoomidda shirweynaha Hodaale, Shacab iyo xukuumadba.
Waxaan ugu baaqayaa beelweynta Sacad Muuse inay ka feejignaadaan dibin-daabyo kasta oo lagu carqaladaynayo qabsoomidda shirweynahooda una diyaargaroobaan qabsoomidda shirka iyo ka midha dhalinta hiil iyo hooba.
GUDDIDA QABAN-QABADAWaxaan halkan uga mahadnaqayaa Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal sida Hagar la’aanta ah ee uu ugu guntaday qabsoomidda shirka Hoodaale sida uu horeba ugu guntaday Dan iyo Duco.”

SOMALILANDPOST.NET


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: