07 May, 2013

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo Boorama ku sugan iyo Booliiska oo aan ka war hayn



"Waxay ka soo degtay madaarka Berbera iyadoo aanay cidi juuq u odhan"

xildgibaan somalHargeysa(Waaheen) Xildhibaan Caasha Maxamud Cumar Khayre (Caasha Koos) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa doraad ka soo degtay madaarka Caalamiga ah ee magaaladda Berbera iyadoo u dhaaftay Magaaladda Boorama oo ay u dhalatay.

Soo degitaanka Xildhibaan Caasha waxa Waaheen u xaqiijiyay ilo wareedyo u dhuun daloolay safarkeeda, hase yeeshee ilaa hada si rasmi ah looma oga goobta ay ku sugan tahay iyo ujeedada socdaalkeeda toona.

Wariyayaal ka tirsan Wargeyska Waaheen oo isku dayay in ay la xidhiidhaan umay suurtogelin balse ilo wareedyada warka soo tabiyay waxa ay ku adkaysanayaan in ay ku sugan tahay magaaladda Boorama.

Saraakiisha Laanta Socdaalka oo aanu iyana isku daynay in aanu wax ka weydiino socdaalka Xildhibaanadaasi ayaa ka gaabsaday waxaanay sheegeen in aanay ka war haynin.

Booliiska Somaliland ayaa dhawr jeer xidhay Xildhibaano u dhashay Somaliland balse ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federalka Somaliya, kuwaas oo markii ay muddo xidhnaayeen Dalka laga mastaafuriyay, wallow xildhibaano kale oo dalka si dhuumasho ah ku yimi aanay xukuumaddu talabo taas la mid ah ka qaadin.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65543

--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: