08 May, 2013

Tahriibayaal Reer Somaliland oo ku dhintay Shil-gaadhi oo ka dhacay Saxaaraha u dhexeya Sudan iyo Liibiya.

Hargeysa(Waaheen) Tahriibayaal Reer Somaliland ah ayaa gaadhigii ay wateen uu kula qalimay Xududa u dhexeysa Sudan iyo Liibya Gaar ahaan Saxaaraha Weyn ee Sudan, Baaburkan ayaa la sheegay in ay sarnayeen Tirro gaadhaysa ilaaa 25Qof, kuwaasi oo u badnaa Reer Somaliland kana kala tagay Magaalooyinka Hargeysa, Boorma iyo Burco waxaana la sheegay in ugu yaran 2Qof ay ku dhinteen Halka 4Kalena ay dhawac culusi soo gadhay, kuwaasi oo la sheegay in dhabarka ay ka jabeen, halkan inta kalen la sheegayo in dhawac Fudud uu soo gadhay.

Ma aha Tahriibayaashii ugu horeyey ee Shil gaadhi wax ku noqda, basle wax la sheegay Tahriibayaal badan oo uu khasaro ka soo gadho mudada 7Cisho ah ee ay ku jiran saxaaraha weyn ee u dhexeya Sudan ilaa Liibaya, iyada oo ilaa Imika Raq iyo ruuxtoona aan lahanin Dhalinyaro badan oo reer hargeysa oo sidda ay qoysas koodu noo sheegan lagu layahay Saxarahaasi.

Dhanka kale Tahriibayaal badan oo Somaliland u dhashay ayaa ku xidhan Jeelasha Dalalka liibiya, Sudan Itoobiya, Kuwaasi oo la sheegay in badhkood muddo sanado ah ay ku jiran Xabsiyada dalalkaasi, kuwaasi oo isku jira Ragga iyo Haweenba, Waxana la sheegay in Duruufo Caafimad darro ahi ay la soo Gudboonato, halka qarkoodan ay nolol Xumo ugu dhintan halkaasi, Wax kale oo iyaguna Jira Tahriibayal badan oo ay qabsadaan Dad calooshoda u shaqays tayaal ah oo ay soomalidu ugu magacdareen (Magafayaal) kuwaasi oo Tahriibayaasha inta sidda Xoolaha Xeero ku ururiyaan ayaa waxay ka qaadan Lacag Madax furasho ah oo gadhaysa ilaa Labba Kun oo Dollar.

Sanadkan 2013 ayaa Noqday Sanadkii ugu tahriibka Badan ee Somaliland soo Mara iyada oo Dhalinyaro Kumanaan gadhayaan ay Iskaga kala gooshen Wadamada Itoobiya, Sudan, Libiya iyo Dalka Talyaaniga oo hamigooda ugu weyni yahay, Dadka Qaar ayaa sheegay in aanu Waxaani tahriib ahayn ee uu u eeg yahay Qax laga qaxayo dalka Arrintana loo adkaysan karaynin.

C/raxman Osman Isbatore

Waaheen Media Group

Hargeysa, Somnaliland

No comments: