24 May, 2013

Rabshadii Dhowaan Lagu Dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Go'Aamo Laga Gaadhay


Rabshadii Dhowaan Lagu Dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Go'Aamo Laga Gaadhay 
43.jpg
Ceerigaabo(---)Dhowaan ayay ahayd kolkii dablay hubaysani ay badhtamaha suuqa ceerigaabo ku dhaawaceen gudoomiyaha ururka qareenada somaliland Solla ee gobolka sanaag Garyaqaan Cali Siciid Jamac ''Cali Foolow'' waxana xalinta arintaasi iyo sidii loo fardaamin lahaa  mudooyinkii udambeeyay jilibka u aastay masuuliyiin uu hor kacayo Maayarka degmada ceerigaabo Ismaaciil Xajji Nuur, Salaadiin , Cuqaal, Wax Garad iyo madax dhaqameed kale
Waxana ugu dambayntii arintaasi laga soo saaray go'aamo ay labada dhinacba isla qaateen qoraalka laga soo saaray ayaa udhignaa sidan:-

Ujeedo: Go'Aan Guddi.

  • Gudidu iyada oo ka duulaysa dhacda dii ka dhacday maxkamada gobolka sanaag ee ku saabsanayd amar diido iyo fowdo lagu sameeyay maxkamada kuna aadanayd (Urursuge), Bahriig Haye (Naaleeye Axmed).
  • Gudidu markay aragtay kalsoonida ay bixiyeen laba Caaqil Cismaan Faarax Xamuud iyo Caaqil Cabdulaahi X. Faarax iyo waayeelkooda.
  • Markay aragtay kalsoonida uu gudida siiyay Qareen Cali Siciid Jaamac oo uu dhaawacay Yaasiin Xussen Xassan.
  • Markay gudidu aragtay rali gelinta uu bixiyay Cheif Caaqil Xussen Xassan oo ku saabsan is hortaagii iyo amardiidadii iyo is hortaagii xukumada maxkamada lagu sameeyay laguna dhaawacay ugu dambayntii qareen Cali Siciid Jaamac.
  • Gudidu Iyada oo ka duulaysa suluxa iyo heshiisiinta sida shareecada islaamku qabto waxay soo saareen go'aanadaas hoos ku qoran:-
  1. In magahii muranku ka bilaabmay sidii maxkamadu u xukumeen loo daayo
  2. In Garyaqaan Cali Siciid Jaamac la siiyo 1,000 (Kun Dollar) oo shaf shafo ah dhaawac muujintiisana uu dib kala yimado.
  3. In lasoo daayo Yaasiin Xussen Xasan oo ah ninkii dhaawaca geystay
  4. In maxkamaduhu aqbalaan raali gelinta Chief Caaqilka lagana noqdo waaranadii hore loo jaray

Sidaas darteed, Maxkadama iyo dhinacyadaba waxan ka codsanaynaa in ay qaataan oo tix geliyaan go'aanka Guddida dhexdhexaadinta.
Waxana sidaasim udhignaa go'aanka gudidaasi soo saareen waxana ku saxeexnaa

Ismaaciil X. Nuur Faarax Maayarka degmada ceerigaabo
Boqor Maxamed Axmed Cali
Boqor Maxamed Nuux Aadan 
Suldaan Cali Yuusuf Cabdi
Sh. Maxamed Axmed Cabdalle 

Geesta Kalena Cheif Caaqil Xussen Xasan Cali ayaa raali gelin ka bixiyay isku dhicii maxkamada ka dhacay oo ay ku kaceen dhalinyaro qoyskiisa ah waxana nuxurka warqada raali gelinta Caaqilku Udhignayd sidan:-

''Hadii aan ahay Ch-Caaqil Xusseen Xasan Cali. waxan halkan ku caddaynaynaa inaan raali gein ka bixinayo isku dhicii maxkamada ka dhacay ee dhalinyarada qoyskayga ahi sababtiisa lahayd. arintaas oo aan tallo ku iman dhalinyaraasi xadhiggayga ku diidanayd hadaba maxkamada sharafta leh waxan ka codsanayaa raali in layga aqbalo la iina tix geliyo arrintaasina halkaas ku dhamaato anigo iyo maxkamadana wada shaqayntii horeba nooga dhaxaysay ayaa naga dhexaysa mar kastaba''

Sidaasi ayaa uu caaqiil xussen xasan ku qotomay nuxurka warqada raali gelinta ahi

Isku soo wada duubo boqor maxamed nuux aadan oo ku hadlaya afka gudida dhex dhexaadinta ayaa mahadiayay go'aankaasi lagu heshiiyay.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: