24 May, 2013

M.Weyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Weftigii Uu Hor Kacayay Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Tirsan Baarlamanka Iyo Wasaarada Arrimaha Dibada Ee UK.
Madaxweyneku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wefdigii ballaadhan oo uu hoggaamineyey ayaa maanta sii diirran loogu soo dhoweeyey guriga Baarlamaanka Britain ee West Minister, London. 

Madaxweyne ku xigeenka waxa ku wehelineyey kulankan Wasiirrada Maaliyadda Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Ganacisiga Mudane Cabdirazzaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed, , La taliyaha Madaxweynaha Somaliland Arrimaha dhaqaalaha mudane Axmed Xasan Carwo iyo La taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Mudane Amaal X Axmed Miisaan iyo Safiirka Somaliland ee UK Mudane Cali Adan Cawale

Sidoo kale Waxaa Madashaasi ku sugna madasha Xubno ka tirsan golaha baarlamaanka UK, shaqaale ka Mid ah wasaaradda Arrimaha Dibedda UK, khubaro sare iyo qaar ka mid ah saxaafadda. 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa si ballaadhan ugaga warramay ujeeddada socdaalkiisa iyo xaaladda guud ee Jamhuriyadda Somaliland,Waxaanu Tilmaamay inuu dalka Ingiriiska Mudadii uu Joogay uu kala qayb galay Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska Xuska Munaasibadii 18 May ee 22 Guuradii ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. 

Waxa kulanka daaddihineyey Mudane Sir Tony Baldry MP oo ah guddoomiyaha Guddiga baarlamaanka UK ee taageera qaddiyadda Somaliland. 

Waraysiga kadiba ayay mudane yaashii halkaa ku sugnaa iyo kasoo qayb galeyaashii su'aalo ku weydiiyey madaxweyne ku Xigeenka iyo wefdiga la socday.

No comments: