25 May, 2013


Mid Ka Mid Ah Labo Nin Oo Shallay Qudha Ka Jaray Askari Ingiriis ah Xaafadda Woolwich Ee Koonfurta Berri Ee London Oo Magaciisa La Shaaciyey “Haayadaha Ammaanku Way Yaqaaneen”

London–23/05/2013– Saraakiil ka tirsan haayadaha ammaanka dalka ingiriiska ayaa xaqiijiyey in haayadaha ammaanku ay aqoon u lahaayeen nin ka mid ah labadii nin ee maalintii shallay weerarka foosha xun ku qaaday askari ka tirsan ciidamadda militeryga Britain goob u dhawayd xero ciidan oo ku taallay xaafadda Woolwich ee koonfurta berri ee magaalada London.

Xogta ay bixiyeen haayadaha ammaanku ayey ku sheegeen in ninkani dhawr jeer haayadaha ammaanku ay si joogta ah ula socdeen dhaq dhaqaaqiisa iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa xagjir aad loo yaqaanoo mararka qaarkoodna la arkay isagoo waraaqo ay qoranyahiin in ciidamadda Britishku ka baxaan Afghanistan iyo Ciraaq uu u qaybiyey goobo ka mid ah magaalada London.

Xogta ayaa tilmaamaysa in Ninkani oo magaciisu yahay Michael Adebolajo uu yahay 28 sanno jir ku dhashay magaalada London oo ehelkiisu ay ka soo jeedaan dalka Nigeria, wuxuuna la noola guri aabahii leeyahay oo ku yaalla degmada Lincoln ee isla magaalada London.

Ammaanka Oo Aad Loo Xoojiyey London

1200 oo Booliis ah ayaa lagu daadiyey goobaha muhiimka ah ee magaalada London si ammaanka loo xoojiyo, waxaana la geliyey goobaha xeryaha militeryga ee ku yaalla London heegan adag.

Falka shallaytoole ka dhacay dariiq ku yaalla degmada Woolwich ee koonfurta berri ee magaalada London ayaa ah mid aad u argagax lahaa, mid ka mid ah labada nin ee weerarka gaystay ayaa la arkaayey isagoo qof goobta ku sugan oo ka duubaayey kamarad muuqaal ah ku lahaa “waxaad disheen dadkayaga anaguna kuwiina ayaanu laynayna”

Booliiska ayaa goobta soo gaadhay dabadeedna labada nin ee falkani gaystay toogtay iyadoo la dhigay cisbitaal.

Golaha Muslimiinta Britain Oo Dhaleeceeyey Falkani

Golaha muslimiinta Britain ayaa si adag u dhaleeceeyey falkani kuna tilmaamay inuu ahaa mid waxshinimo iyagoo ku tilmaamay dadka falka gaystay qaar ceebeeyey muslimiinta iyo dadka islaamka ah ee Britain waxaana golahu ku baaqay in ciqaabta ugu weyn la mariyo labada nin.

David Cameron Oo Si Deg Deg Ah uga Soo Laabtay Safar Uu Ku Joogay Paris

Ra’isal wasaaraha Britain David Cameron ayaa dib ugu soo laabtay magaalada London xallay saqdii dhexe isagoo soo gaabiyey safar uu ku joogay xarunta dalka faransiiska ee Paris

Isagoo saaka ka hor hadlaayey xafiiskiisa Downing Street No.10 ayuu sheegay in falkani ahaa weerar lagu soo qaaday dadka Britishka ah isla markaana la doonayo in lagu kala qaybiyo, wuxuu ballan qaaday in cadaaladda la hor keeni doono, isagoo dhinaca kalana tacsi u diray eheladii ninka ku dhintay falka ee labada nin weerareen.

Weerarka Ayaa Dhacay Ka Dib Markii Nimankani Oo Mindiyo Iyo Faashash Wata

Labada Nin ayaa weeraray nin goobta maraayey sida dad goob joogayaal ahi ay warbaahinta Britian u sheegeen, ka dibna waxay la dhaceen faashash iyo midniyo ay wateen.

Falkani ayaa dhacay abaaro 14:30 galabnimo wakhtiga magaalada London, iyadoo weliba goobtaasi ay ku sugnaayeen dad aad u tiro badan oo maraayey.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: