16 May, 2013

Loolan ka taagan Abuurista Ciidanka Turbataariyadda iyo Hogaankooda

Loolan ka taagan Abuurista Ciidanka Turbataariyadda iyo Hogaankooda

"Waxa Madaxaweyne Siilaanyo amray in laga dhigo Ardaydii Booliiska gashay hase yeeshee waxa soo baxaya Tuhuno ka duwan"

tubuHargeysa(Waaheen) waxa wali doodi ka taagan tahay sababta hor taagan Abuurista Ciidanka Tulbataariyada Somaliland iyo Hogaankooda oo uu Madaxweyne Siilaanyo Amray in sanadkan la sameeyo iyadaoo Qorshaha Miisaaniyad sanadeedka lagu daray.

" Waa in dib loo aasaaso Ciidankii Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyadda), tiradiisuna noqotaa 120 Askari, kaas oo yeelan doona hogaan gaara ah oo la shaqayn doona Wasaaradda Maaliyadda; lagana soo xulo ciidankii sanadkii 2011 Booliisku qaatay ee ahaa Ardayda ka soo baxday Dugsiyadda Sare iyo Jaamacadaha" ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo bilowgii sanadkan.

Ciidankan Madaxweyne Siilaanyo amray qaabka loo samaynayo oo baahi weyn loo qabo ayaan la garanayn sababaha hortaagan, hase yeeshee waxa soo baxaya ifafaalo  muujinaya in qaab ka duwan ka uu Madaxweyne Siilaanyo Amray la doonayo in loo maro.

Wararka ka soo baxaya aasaaska Ciidankan ayaa sheegaya in Loolan adagi ku dhex marayo masuuliyiinta ay khusayso in nin kastaa Hogaanka Ciidankaas ka dhigo nin uu wato, kaasoo aan la garanayn in uu waafaqi doono shuruuda Madaxweyne Siilaanyo u dhigay.

Walow aanaa wali lagu dhawaaqin hadana caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan ayaa la sheegayaa in ay ka mid tahay in qaab beeleed la doonayo in masuuliyiinta hawshani khusaysaa u qaybsadaan, isagoo nin kastaa tiro gaar ah qoondaystay balse aan wali la isla meel dhigin.

Duruufo kala gedisan ayaa masuuliyiinta ku kalifa hawlaha Qaranaka in ay sidan oo kale ugu xanibmaan, kuwaasoo laga xusi karo masuul kastaa in uu iska meeleeyo kuwa ugu dhaw maadaama ay culays ku hayaan, hase yeeshee qaar ka mid ah masuuliyiinta ayaa u xisha in ay dhaqaale ka helaan gaara ahaana Ciidamada meelaha Dakhli Ururinta la geeyo, inkasta oo ay meelo badan Xukuumaddani ka soo xidhay nidaamkaasi, gaar ahaana Kastamada waaweyn.

 

 

 

 

 

Mooshin lagu riday Xukuumadda Raysal wasaaraha Somaliya oo Baarlamaanka la hor geeyay

Waxa ay ku eedaynayaan Xukuumaddiisu in ay fadhiid noqotay oo aan la garanayn dhinac ay u socoto

Muqdisho(Waaheen) Sagaashan xubnood oo ka mid ah Baarlamaanka Somaliya ayaa Mooshin ay ku dalanayaan in Codka kalsoonida ah loo qaado Xukuumadda Raysal wasaare Saacid u gudbiyay shirguddoonka Baarlamaanka Somaliya.

Fadhigii shalay ayaa lagua sheegay in sabtida loo qaybin doono Mooshinkaasi si loo guda-galo, waxaanu shirguddoonku ku dhawaaqay Mooshinkaasi in uu sharciyada waafaqsan yahay, isla markaana ay xildhibaanadu soo akhrisan doonaan si looga dodo.

Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa Xukuumadda raysala Wasaare Saacid ku eedaynaya in ay gabtay rajadii laga filayay in ay wax kaga qabato xilka loo igmaday, waxaanay sheegeen in aanay talaba faraha ugu jirin.

Xildhibaanadu waxa ay Raysal Wasaare Saacid ku eedeeyeen in uu waxba ka qaban kari waayay dhibaatooyinka wali Muqdisho iyo meelaha Maamulkiisu ka jiro ka taagan, iyagoo sheegay in loo baahan yahay Xukuumad hanan karta maamulka Dalka.

Short URL: http://waaheen.com/?p=66215

No comments: