20 April, 2013

Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Mastaafurisay Baadari Diinta Kiristaanka Ku Fidinayay Hargeysa


Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Mastaafurisay Baadari Diinta Kiristaanka Ku Fidinayay Hargeysa

Hargeysa, April 20, 2013 (WAAHEEN) – Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay Baadari Diinta Kiristaanka ku faafinayay Somaliland oo la yidhaahdo Dr: Robert isla markaana la baxay Magaca Rooble.

Robert waxa uu in muddo ah Diinta ku faafinayay Hargeysa isagoo dhakhtarada iyo Jaamacadaha Dalka kaga shaqaysan jiray Xifado Dhakhtarnimo iyo Macalinimo isugu jirta, waxaana in badan Culimadda Dalka qaarkood kaga qudbadeeyeen Masaajidada Falal cad cad oo uu ku kacay balse tan iyo xiligaa wax talaabo ah Xukuumaddu kamay qaadin.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa Waaheen u xaqiijiyay in ninkaas ay saaka Mastaafuriyeen isagoo sheegay in ay ku cadaatay in uu Diinta fidinayay.

"Ninkaas waanu mastaafurinay in muddo ah baanu daba soconay waxaanu helnay cadaymo cad cad oo sheegaya in uu hawshaas ku lugu lahaa, Booliiska ayaa gacanta ku hayay saakana laanta Socdaalka ayaa Berbera ka dhoofisay" ayuu yidhi Taliye Fadal.

dhinaca kalena Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka ayaa Waaheen u sheegay Robert iyo Xaaskiisaba inay Dalka ka saareen isagoo sheegay Booliisku inay u soo gacan galiyeen isla markaana ay kala noqdeen Fiisihii uu dalka ku joogay.

Dhawaan waxa Dalka laga Mastaafuriyay nin kale oo u dhashay Kiiniya kaasoo diinta Kiristaanka ku fidinayay Hargeysa kadib markii la ogaaday in uu qoraalo isugu jira Kutub iyo waraaqo siyaabo qarsoodi ah goobaha lagu kulmo ugu daadin jiray.

Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah Culimadda Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinkan kooxaha Kiristaamaynta wadaa dalka soo galiyeen isagoo ka digay in inta badan ay ka soo galaan meelaha ay ka jilicda san yihiin ee waxbarshada iyo Caafimaadka.

Wasaaradaha Diinta iyo Aw-qaafta iyo Waxbarashada ayaan wax badan kala socoon dhaqdhaqaaqa Kooxahan Kiristaamaynta Wada kuwaas oo ku soo gabada inay samafal dalka u yimaadeen.

Robert ayaa waxa uu si aad ah ugu dhex milmay dhalinyarada Somaliland gaar ahaana kuwa Jaamacadaha iyo kuwa Kubada Kolayga ciyaara ee garoonka Timacade, kuwaas oo difaaci jiray marka ay Culimaddu soo bandhigto falalka Anshax xumada ah ee uu ku kaco.

Hore Somaliland waxa ay xadhig iyo mastaafuris isugu dartay nin Dhalashadiisu Jarmal ahayd kaasoo lagu eedeeyay falal Anshax xumo ah, sida ay wararka u dhuun daloola dhaqamada dadka noocan ahi sheegayaana waxa ay si weyn ugu dhex baaheen hay'adaha kala duwan ee dalka jooga, kuwaas oo u baahan in ay Xukuumaddu isha ku hayso dhaqdhaqaaqooga, iyadoo xataa Askarta ilaalisa qaarkood shaqooyinkii looga eryay ama bedelay tuhuno la xidhiidha kantarool ay ku sameeyeen Ajaanibta ay ilaaliyaan. Sources; Waaheen.

No comments: