04 April, 2013

Waa Ceeb Iyo Fadeexad In Ururada Bulshada Somaliland Qaarkood la Sheegay inay Ka qayb-gelayaan Shirka Cadaalada ee Somalia


Waa Ceeb Iyo Fadeexad In Ururada Bulshada Somaliland Qaarkood la Sheegay inay Ka qayb-gelayaan Shirka Cadaalada ee Somalia

Waxa Dawlada aan jaarka nahay ee Somaliya ku faantay inay 15 Urur oo ka mid ah Ururada Bulshada Somaliland ay ka qayb gelayaan Shirka Cadaalada lagaga hadlayo ee ka socda dalka aan jaarka nahay ee Somalia Magaaladiisa Muqdisho. waxa fajac iyo yaab ku noqotay Shacab weynaha Somaliland inay maanta Qaar ka mid ah Ururada Bulshada ee Somaliland u badheedhaan inay dhabarka ka waremaan himilada Shacabka Somaliland. waa ceeb iyo wax laga xumaado inay maanta Ururada Bulshada ee ka diwaangashan dalkeena ee ay leeyihiin muwaadiniin inaga mida ee yidhaahda waxan u shaqayna Shacabka Somaliland ay dhex fadhiistaan shir aan shacabkeena iyo Dalkeena shaqo aan ku lahayn oo ku saabsan dalkaas aan jaarka nahay ee Somalia. Ma waxa geysay hunguri iyo dhadhamo raac mise waa ururo beena oo Dawlada Somalia ay ka dhiganayso inay caalamka tusto inay Somaliland ay hoostimaado ayna ka soo casuunto cida ay doonto. Waxa looga fadhiyaa Xukumada Somaliland inay shacabka u cadayso cida ay yihiin Ururadaas la sheegay inay ka qayb-gelayaan Shirkaas. Cida lagu sheegay 15 urur ee shirkaas ka qayb-gelaysaa kolay magacyadooda iyaga ayaa badka iman doona balse waxa haboon inay Xukumadeena Somaliland inay la timaad siyaasad cad oo ay baahiso inayna Shirarka ay abaabulayso Dawlada aan jaarka nahay ee Somalia inayna ka qayb-geli karin Ururada Bulshada, Ganacsatada iyo Shirkadaha ka diwaan gashan Somaliland ee ay leeyihiin muwaadiniin u dhalatay Somaliland.
Waxan Xukumada ku boorinayaa inay indha dheer ku eegto Ururada Bulshada ee ka qayb-gelaya Shirarka nuucan ah ee Xukumada Somalia ugu yeedhaynayso Ururada Bulshada Somaliland iyo Shirkadaha qaarkood, waxa bishii hore dhacday inay saxaafadu soo bandhigtay inay Urur ay leeyihiin Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ay ka qayb-galeen Shir ku saabsanaa Xeerka Isgaadhsiinta oo Dawlada Somalia ku qabatay Magaalada Muqdisho iyada oo la soo sawiray masuul ka Socda Somaliland oo shirkadaas dhex fadhiyo.

Waxa haboon inay Xukumadu kala noqoto sharcigii ay siisay (registration certificate) Ururada ay ku cadaato inay ka qayb-galeyaan Shirkaas la sheegay ee Cadaalada lagaga hadlayo ee Muqdisho ka socda.

Xukumadu waa inay indho dheer u yeelataa dibindaabyada Dawlada aan jaarka nahay ee Somalia ay ku faro-gelinayso Arrimaha gudaha ee Somaliland. waa inay xukumadu ka hadashaa oo ay ka hortagtaa faro-gelinta lagu hayo dalkeena, hadii kale waa inay sheegtaa waxa ay xeerinayso ee aanay uga hadlayn Farogelinta lagu hayo arrimaha Gudaha Somaliland. Xukumad waxa lagu yaqaanay Indho Qudhaanjo inay yeelato oo ay waxwalba arragto oo lidi ku ah Dalkeeda iyo Shacabkeeda.


Yuusuf S. Wacays

No comments: