30 April, 2013

Taliyaha Ciidanka Bilayska S/Land Oo Daboolka Ka Qaaday Magacyada Kooxo Maafiyo Ah Oo Ka Dilaacay Xaafadaha Hargeysa


"Labadii Bilood Ee Ugu Danbeeyey Waxa Hawlgalo Bilaysku Sameeyeen Ku Soo Qab-Qabteen 172 Dhalinyaro Ah, Bishan April Oo Kaliyana Waxaanu Xabsiyada Dhignay 82 Tuug"C/Laahi Fadal Iimaan

 

Hargeysa, April 29, 2013 (Halbeegnews) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto C/Laahi Fadal Iimaan ayaa daboolka ka qaaday magacyada kooxo dhalinyaro Maafiyo ah oo ka jira Xaafadaha Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inay dambiyo kala duwan galaan, isla markaana 172 ka mid ah dhalinyaradaas ay qab-qabteen Ciidanka Bilaysku.

C/laahi Fadal waxa uu xusay in culays badani ka haysto Ciidanka Amniga falalka kala duwan ee ay sameeyaan Dhalinyaradaasi, kaas oo sidoo kale ku faanay in Ciidankiisu bishan April oo kaliya ay qabteen 82 Tuug oo uu tibaaxay inay u qaybiyeen Xabsiyada kala duwan ee dalka.

Taliyaha Bilayska Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan waxa uu sidaas ka sheegay mar uu Shalay horyimid Golaha Wakiiladda Somaliland, kuwaas oo uu uga Warbixinayey dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya dhalinyarada Xaafadaha Magaaladda Hargeysa qaarkood ilaalisa habeenkii, waxa uu yidhi "Hadii aan ka hadlo dhalinyarada Xaafadaha Magaaladda Hargeysa habeenkii ilaalisa ee aad I waydiiseen, waax-walba dhalinyarada joogtaa waxay u diwaangashan tahay Saldhiga ugu dhaw, dhawr jeerna Maayaradii hore haday yihiin iyo haday Wasiirada Arrimaha gudaha yihiinba way la socdeen. Mida kale imika waxaanu wadnaa inaanu dhalinyarada Xaafadaha laftigooda kala shaandhayn ku wadno oo waxaanu kala saaraynaa oo aanu hawshooda ku jirnaa cidii la aamini karo iyo cidii aan la aaminaynin".

C/laahi Fadal isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Kooxo dhalinyaro Maafiyo ah oo Xaafadaha Magaalada ka samaysan iyo magacyada dhawr ka mid ah, waxa uu yidhi "Ta labaad Mudanayaal waxa aan idinla socodsiinayaa in bishii March iyo horaantii April waxaad ku arkayseen Caasimadda dalka ee Hargeysa kooxo had iyo jeer koox-koox u dagaalama marka ay kubada ka soo rawaxaan ama kuwo aan kubadba ciyaarin oo iyagu la baxay Magacyo hadii aan tusaale u soo qaato ay ka mid yihiin Qaaxo, Arsenal, Ciyaalo darbi iyo wax la mid ah ayey dambiyo sameeyaan kooxahaasi, markaa labadan bilood ee ugu danbeeyey hawlgalo ay Ciidanka Bilaysku qaadeen waxay ku soo qabqabteen 172 dhalinyaro ah. Dabcan dhalinyaradaas marka aanu anagu qabano waxa aanu u cuskanaa qaar dambi ay galeen ama dhaawac ay geysteen amaba khasaare noocuu doono ha ahaadee ay gaysteen, kaas si toos ah ayaa falkii uu galay loogu qaadayaa dambigiisa oo Maxkamadda loo horgeeyaa oo loogu dacwaynayaa, dhalinyarada kale ee aanu qabanona Xeerka Anshaxa Nabadgalyada ee aad ansixiseen ayaa lagu qaadaa, isla markaana waxaanu horgeynaa Maxkamadda oo waxa uu sheegayaa Xeerkaas Anshaxu marka ugu horaysaa qodobkiisa 1-aad in hal bil la xukumo mar labaadna marka uu bishaas dhamaysto uu dambi galo waxay Maxkamaduhu ugu daraan ganaax. Waxaad ka garataa halkaas oo muujinaysa dadaalka aanu ka galnay oo intaas kuma dayno anaga oo dhinac qabashada ka wadna ayaa waxa aanu xidhiidh la samaynaa odayaasha ama madaxdhaqmeedka amaba aqoonyahanka Waaxaha Magaalooyinka si aanu u wacyi-galino oo aanaan dhalinyarada xadhig iyo ganaax uun arintooda wax kaga qabananin".

Taliyaha Bilayska Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan mar uu ka hadlayey tirada Tuugta ay qabqabteen bishan April oo kaliya, waxa uu yidhi "Hadii aan waxyar ka idhaahdo Tuugta, Mudanayaal Dambiga ama Tuugu Maalin iyo Habeen ma kala laha oo falka tuuganimada ahi habeena wuu dhici karaa maalina wuu dhici karayaa, isla markaana bishan April oo kaliya waxay Ciidanka Bilaysku qabteen 82 Tuug oo Xabsiyada kala duwan ee dalka aanu u gudbinay, kuwaas oo qaarna xukun sugayaal yihiin qaarna xukun ku dhacay". Taliye C/laahi Fadal mar uu ka warbixinayey dhacdadii 24-kii April lagu weeraray Xarunta Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal, waxa hadalkiisii ka mid ahaa "Dhacdadii 24-kii bishan April 2013 ka dhacday ee lagu weeraray habeenimo Xarunta Wargeyska Hubaal, waxa falkaas lagu eedaynayaa laba eedaysane oo mid la hayo midna maqan yahay, eedaysanaha la hayaana waa xubin ka tirsan Ciidanka Bilayska waana fal isaga u gaar ah oo uu galay isagu, isla markaana baadhista Kiiskaasina meel fiican ayey maraysaa oo warkii ugu horaysay Maxkamada iyo Xeer Ilaalinta waanu gaadhsiinay isagana Maxkamadda ayaa degdeg loo horgaynayaa, eedaysanihii kale ee maqnaana waxaanu ku jirnaa baadi-goobistiisii".Halbeegnews/Hargeysa Office.--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: