04 April, 2013

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM SH. AXMED SH. NUUX FURRE GUDD-KU-XIGEENKII 1AAD EE GOLAHA GUURTIDDA JSL


TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM SH. AXMED SH. NUUX FURRE GUDD-KU-XIGEENKII 1AAD EE GOLAHA GUURTIDDA JSL


? Allaha u Naxariistee Sh. Axmed Sh. Nuux Fure, waxa u ku dhashay Magaaladda Hargeysa 1931kii, Hooyadiina waxa la odhan jiray Caasha Xaashi.


? Allaha u Naxariistee Sh. Axmed Sh. Nuux Fure wuxu aha Sheekh weyn oo dhinaca Diinta ah, kana so jeeday Qoys dhinaca Diinta si weyn loogu tix-geliyo, gaar ahaana Aabihii aya aha Sheekh Arladani Somaliland iyo meel Somali degan tahayba caan ka aha.
? Wakhtigii laga xoraynayay Dalka gumaysigii Ingiriiska Marxuumku wuxu ka mid ahaa Dhalinyaraddii Doorka fir-fircoon ku lahayd halganka, gaar ahana xisbigii S.N.L.
? Alla u Naxariistee Sh. Axmed Sh. Nuux Furre wuxu aha intii ka horaysay 1988dii Baayac-Mushtar, isaga oo aha nin Ganacsiga ku dhex-jiray;
? Aakhirkii Sanadkii 1988kii markii xoogagii S.N.M laga saaray Magaaladda Hargeysa 13/08/1988kii markaasi oo u daciifay Laxaadkii Ciidamaddu, (S.N.M) Duqay u ka mid aha Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Allaha u Naxariistee waxay Abbaabul Laxaad leh u galeen sidii ay u Suurto-geli lahayd Shirweyne ay isugu yimaadeen Dhammaanba duqaydii Beelihii Halganka ku jiray, kana tirsana Beeshi dhexe, iyagoo Abaabulkaasi waday Muddo Saddex Bilood ah, oo u ka aha Hormuud Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre Allaha u Naxariistee
? Abaabulkaasi waxa ku qabsoomay Shirweynihi Aasaaska Guurtiddii Dastuuriga ahayd, Aakhirkii Sanadkii 1988kii Tuuladda Cadaroosh.
? Halkaasi ayay ka hana-qaaday amba ka abbuurantayba Guurtiddii Dastuuriga ahayd, kuwaasi oo Xoojiyay Dibu-Abaabulna ku sammeeyay dhammaanba hawlihii kala
2 | P a g e
duwana ee halganka, hadday ahayd Ciidan uruurin, Taakulayn Saad, Xanaanayn Dhaawac iwm;
? Muddadii halganka lagu jiray, Guurtiddii Dastuuriga ahayd ee Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre ka ahaa Gudd-ku-xigeenka waxay ka ahayeen halganka UDUB-DHAXAAD, waxayna mar-waliba u taagnaayeen xallinta khilaafaadka iyo iska-hor-imaadka;
? Guurtiddii Dastuuriga ahayd, ee u Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ka ahaa Gudd-ku-xigeenku ka dib markii dalka lagu soo noqday ee laga xoreeyay rajiimkii Siyaad Barre, waxay ku qabteen Magaaladda Ber-bera 23 February 1991kii kullankii ugu horeeyay ee wax-garadka iyo duqayda reer Somaliland ku kulmaan, kaasi oo aha Guddoonkii ugu horeeyay ee dhinaca Nabadda, looguna baaqay dadkii Reer Somaliland ee iska-soo-hor-jeeday in ay dhex-marto Nabadd iyo Walaaltinimo;
? Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo Duqaydii kaleba waxay bilaabeen Hawlo Nabadeed oo Bulshadda dhex-marta, la gaadhsiiyayna hoos (Grass Root Peace) kaasi oo lagu fuliyay Bari iyo Galbeedba;
? Guurtiddii Dastuuriga ahayd ee Marxuumku ku ahaa Gudd-ku-xigeenku waxay wax ka Abaabuleen Nabaddayntii hoose ee Beelaha ka dib, Shirweynihii Guurtiyadda Beelaha Somaliland 27 April 1991—18 May 1991 ku Qabsoomay Magaaladda Burco. Shirweynahaasi oo ahaa kii Dib-loogula soo noqday Madax-banaaniddii Reer Somaliland, kuna lahayd Guurtiddu Doorka ugu weyn, iyaggo hor-seeday Go'aankii lagu gaadhay Burco;
? Guurtiddii Dastuuriga ahayd, ee u ka aha Gudd-ku-xigeenka Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo Guurtiyaddii Beelaha Reer Somaliland, waxay Gurmad Nabadeed u tageen Magaaladda Burco, halkaasina waxay ku dhammaystireen Iska-hor-imaadkii dhex-maray Laba-Beelood ee wadda-dagan Magaaladda Burco February 1992kii.
? Guurtiddi Dastuuriga ahayd ee uu Gudd-ku-xigeenka ka aha Sh. Axmed, iyo Guurtiddii Beelaha Reer Somaliland waxay Magaaladda Sheekh ku dhammaystireen Dagaalkii Sokeeye ee Magaaladda Berbera ka socday muddada 6da bilood ahayd. Shirkaas Sheekh oo socday 22 Oct 1992—15 No 1992gii, ka sakow heshiisiintii Labadda Beelood, wuxu ahaa kii ay ka soo baxeen Go'aamaddii Guud ee dhinaca Nabadgelyadda, Isla-markaasna lagu odorosay Shirweynihii Boorama. Sido kale Shirkaas Nabadeed ee Sheekh ee uu Marxuumku ka tirsana Horumoodyaddiisa, wuxu aha kii Somaliland kaga Nabad-gashay in ay yimaadaan Ciidamaddii UNISOM oo markaasi ka dagayay Mogadisho,
? Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo Gudd-ku-xigeen u ahaa Guurtiddi Dastuuriga ahayd iyo Guurtiyaddii iyo wax-garadkii Beelaha Reer Somaliland waxay abbaabuleen surta-geliyeena Shiweynihi labaad ee Guurrtiyadda Beelaha Reer somalialnd, kuna qabsoomay Magaalaadda Boorama 24 January 1993. Shirweynahaasi oo aha kii ay ka soo baxeen Axdigii Nabad-gelyo Axdigii Qaran iyo Xukuumaddii uu Madaxda ka noqday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.
3 | P a g e
? Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Horaantii Bishii August 1993 waxa Golihii u horeeyay ee ku qeexna Axdigii Magaaladda Boorama u doortay Gudd-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtidda
? 1996 Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre wuxu ka aha Gudd-ku-xigeen 1aad ee Shir-guddoonkii Shirweynihii 3aad ee Beelaha Reer Somaliland, Shirweynahaasi wuxu aha kii lagu dhammaystiray iska-hor-imaadkii iyo khilaafaadkii siyaasiga aha ee sababay Dagaaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 15 Oct 1994— Oct 1996.
? Shirweynahaasi wuxu socday 15 Oct 1996 illa March 1997 wuxuna aha kii lagu guddoonsaday Dastuurka, mar labaadna lagu doortay Xukuumaddii uu Madaxda ka aha Marxuum Cigaal
? 1997 Illaa Maanta 03 April 2013 oo uu Geeriyooday Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, wuxu ahaa Gudd-ku-xigeenkii 1aad oo Goluhu u doortay mar labaad.
? Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, hawl-kasta oo ay Guurti qabatay ha ahaato mid yar iyo mid weynba, ha ahaato mid Nabadeed, ama xallin khilaafaad Siyaasadeedba, wuxu ka aha kana mid aha hogaamiyayaasha, wuxuna wax ku laha hal-abuurkii hawl-galaddaas oo dhan kuwo aynu so sheegnay iyo kuwo aynaan xusinba.
? Gebo-gabaddii Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo ahaa Gudd-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtidda JSL, muddadii Axdiga lagu shaqaynayay iyo Muddadii Dastuurka lagu shaqaynayayba, waxa lagu xusuusan doona oo qof kasta oo Reer Somaliland ah Maskaxdiisa ku jiri doonta kaalintii halganka ay ku lahayd Guurtiddii Dastuuriga ahayd ee Beesha dhexe, kaalintii Nabad-gelyadda iyo Dhismaha Dawladnimo ay ku lahaayeen Guurtiyadda iyo Wax-garadka Beelaha Reer Somaliland, kaalintii iyo doorkii ay Guurtiddu ku lahayd hawlaha kala duwan ee ka hir-galay dalka JSL, waxana si gaar ah loogu xusuusan doona Go'aan-qaadashadiisii geesinimadda lahayd iyo Isku-kalsoonidda lahayd. Waxa lagu xusuusan doona dhaqankiisii hufnaa iyo Aqoontiisii Diineed, wehelisayna haybadda iyo karaamaddu.
? Noloshiisii iyo Muuqaalkiisiiba waxay Golahani Guurtidda iyo Qaranka u ahayd wax-weyn oo la xusuusan doono, gelina doonta Taariikhda ummaddani.
? Marxuum Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Allaha u naxariiste, waxa u ifka kaga tagay Laba Xaas iyo 13 Qof oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdhoba. Waxay sii dhalleen marka lagu daro waxay noqonayaan tiro aan ka yarayn dhawr iyo konton qof maanta.
Alla aha u naxariisto, Naxariistii jano eeba ha siiyo, Qoyskiisii, Eheladiisii, Asxaabtii, Golihiisii, iyo Shacbiga Reer Somalilandba Guddo iyo Dibedba Samir iyo Iimaan allaha ha ka siiyo.
Aamin Aamin Aamin.
Alla Mahad Leh
Waxa soo diyaariyay.
C/laahi Ibraahim Habane
Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda JSL.

Sh.Axmed-Sh.Nuux-Fure


No comments: