MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID HORMOOD KA BAXAY
SOOMALILAND
WQ Axmed Xasan Carwo
Waxay
iga qaadatay inaan maqaalkan qore muddo dheer, waayo waxaan xusuusta Yuusuf
balamadii na dhex yaalay, himmiladiisii, kolkaas ayaan waayaa geesinimo aan
qoraalka leynka hore ku labeeyo. Waa adduuno inaguna aadmi ayeynu nahay oo ilow
ayuu Raxmaan inagu manastay. Waa nimco haddayna jirin aynaan sii noolaanayn.
Waa Axad
waana 7 April 2013. Waxaan caadaystaa inaan foonka silent ka dhigo intaan hurdo.
Waan shaxaadaa hurdada oo haddaan wax yar tooso ku noqosho ma leh. Kolkaan
indhaha kala furo waxaan eegaa foonka waxa war soo dhacay. Waa 6.40
subaxnimo..waa laba fariimood iyo tobaneeye wicid-foon. Caado ahaan tiradan oo
kale iimey iman jirin intaan hurdo.
Dareen ayaa I saaqay. Anoon fariimihii furin ayaan sawiray naxdinta ay
xambaarsan yihiin. Waayahanba waxa nagu taagnaa nabar dhina xanuunka Yuusuf iyo
Abu Dabay nooga imanaayey. Anoon kalsooni qabin oo naxdini dhammeysay jidhkeyga
ayaan furay fariimihii waa hoog iyo murugo dhabowday. Waa tiiraanyo tii ug cuslayd,
waa mid damqashadeeda Soomaliland oo dhami dareentay. Waa xaq aynaan inta badan
xusuusan. Waa geeridii Mayor Yusuuf Warsame Siciid oo tol iyo saxiiba leysoo
tebiyey.
Dhidid
iyo wadno garaac is barkan ayaan ka haleeley Ina Lilaa Wa ina illeyhi
raajicuun. Muddo dabadeed ayaan Alle iyo qadarkiisa xusuustay waxaan tukaday
laba ragcadood iyo duco. Waa hubaal inaan Qadarka eebbe cidina baajin Karin.
Dunidu waa geedi aan nagaansho lahayn, waa ayaamo tirsan oo Alle qofba in ka
siiyey. Waa xaqiiq aynu dhammaan hubno in qabri iyo xisaabi inaga dambeyso.
Xaal kasta ood ku nooshahay qani iyo faqiir, caafimaad qabe iyo bukaan socod,
madax iyo shacbiba waa mid aynaan shaki ka qabin inaynu dhadhamin doono sakaraadka
geerida qofba inta Alle u qadaro, keena nasiib wacana la aasi doono. Illeyn dad
badan ayaan aasba helin oon raqdoodaba la arag.
Waxaan
u kacay dhinaca Madaxtooyada oon iriddaba kula kulmay gurmadii ka yimid
dawladda hoose oo uu hogaaminaayo Mayor Xigeenka iyo Xildhibaano ilaa lix ah.
Waxaanu u galnay Madaxweyne Xigenkii annagoo dhammaan tacsi iyo murugo nagu
dhantay. Waxaana bilaabmay tabaabushiihii aaska qaran. Waxa dhammaan loo tegey
Madaxweynahii. Taladina waxay ku dhammaatay aas qaran iyo tacsi taabatay
quluubta dhammaan reer Soomaliland.
Haddaba
aaskii oo dhammaan laga daawaday Tviiyada Soomaalida oo dhan, aan ku dhaafo
inaan hore loo arag baabuurta iyo dadweyne xadigaas leh oo meel kasta dhooban.
Min madaarkii Berbera oonu diyaaarad yar ku tegnay kuna soo qaadnay maydka
marxuumka. Waxaan adkeysan kari waayey kolkaan arkay dumarkii la socday maydka
oo murugo iyo oohin indho casaysay. Waxaan isku dayey inaan dejiyo oon
qaboojiyo dareenkooda xusuusiyana qadarka Alle iyo samir. Waa Khadra oo xaaskii
Yuusuf ah, waa inantiisa Ayaan, waa walaalihii Nimco iyo Saynab, iyo inanta uu
abtiga u yahay ee Khadra. Waa ehelkay oon
aqaanay ilaa caruurnimadii. Ilmaa buuxisay indhahayga kolkaas ayuu sankuna dareenkiisa
raaciyey. Intaan sii jeestay ayaan iska biiyey, deedna aan calool adeeg mid
walba tacsi iyo samir u jeediyey. Waa goob murugo iyo meel duhur dharaareed
iigu muuqday mugdi habeenimo.
Berbera waxa ku sugnaa dhammaan madaxdii
Berbera mid xukuumadeed, mid dhaqan iyo mid xisbiba. Sidoo kale ayaa loo tubnaa
madaarka Hargeysa oo dadki oodda soo jabiyeen kolka dayuuradii cago dhigatay..
Waxa lagu qamaamay sanduuqii maydku ku jiray. Ruux waliba waxuu rabaa inuu
gacantiis la gaadho meel ka mid ah sanduuqa. Baabuurtii oo jid kasta loo xidhay
ilaa qabuuraha Xeedho waxay noqdeen qaar labada haadba mara.
Marxuum
Yuusuf waxuu ahaa walaal, waalid, saaxiib iyo ruux aan ka qaato toobiyaha
nolasha. Intaan garaadeystayba waan aqaanay. Waxa marag ma doon ah inuu yahay
nin hantay quluubta shacbiweynha Soomaliland si gaar ahna kan muwaadiniinta
caasimadda.Waxuu ahaa nin waji-furan, afgaaban neceb xanta, gacan furan oo
kaftan badan, nin saaxiib badan oon xidhiidhka uu dadka la leeyahay ku salayn
qabiil,qowmiyad, degmo iyo gobal toona.Asxaabtiisu waxay yihiin qaar madow,
caddaan, gaal iyo muslinba leh.
Waxaan
weydiiyey sida uu saaxiibadiisa u kala saaro. Waxuu igu yidhi isagoo
qoslaya..”Qadyadda Soomaliland ciddii aan ka hor imanayn waan la saaxiibaa”..
Waxay taasi I xusuusisay kaalinta uu ku lahaa halgankii SNM..isagoo abaabulkii
iyo ururiintii uu si gaar ah ugu suntan yahay inuu yahay ninka sameeyey
astaanta amba loogada SNM..
Waxaan
ku farxay kolkaan maqlay inuu isu sharaxay mayornimo. Dad badan ayaa is
weydiiyey maxuu Yuusuf aqoontiisa sare iyo khibradiisa ula tartamayaa dhalin
aan midna haysan. Yuusuf waxuu ku jawaabay hadal ninkii maqlayba ka marag furay
dal jaceylkiisa iyo hammigiisa ku salaysan wax qabad iyo badbaadin ummadeed.
Waxuu yidhi…”Waxaan rabaa inaan aqoonteyda ku dhiso magaalo casri ah iyo gole
lagu xusuusto wax-qabad iyo horumar. Waxaan rabaa in doorashda tan xigta ay
Golaha ku tartamaan rag iyo dumar aqoon iyo miisaan dhan walba leh, oo laga
guuro suáasha igu badatay ee ah maxaad hoos isagu dhigeysaa. Waxaan rabaa in la
yidhaahdo waar hebel maxaad isu sharaxi weyday adaa xilkaas ku habboone ….oo
aqooni taliso…”
Waa
adduunyo oo inana qorshaa inoo yaal tii Allena maqan. Wuu guulaystay oo waliba
uu cod ka helay degmo kasta oo ka tirsan Hargeysa. Waa leysku raacay oo afka
laga dhigi waayey sida Hargeysi u heshay mayorkii ku habboonaa. Waana isla
aragtidaas tan dadweynaha Hargeysa ku sagootiyeen Mayor Yuusuf Warsame.
Aan
ku biiriyo aqoonta iyo khabradda Yuusuf oon wax yar idinla wadaagi doono, si
aad uga marag furtaan aragtida reer Hargeysa ku gaadheen inuu qalbigood
fadhiisto, wallow aanu hawsha maayornimo dhaqaajin oo tii Alle ka soo gaadhay.
Yuusuf kolkuu Dugsigii Farsamada ee Hargeysa ka baxay
waxuu ku guuleystay kooras dalka Ruushka ah.
Waxuu Diploma ka qaatay Moscow Road Institute, deedna
waxuu hantiyey Ms Arcitecture oo uu ka qaatay Kiev Engineering Institute. Waxuu
ku biirsaday tacliinta sare ee reer galbeed isagoo ka helay London University
College Diploma; Regenration and
Development in Housing , Nottingham University ayuu iyana ka helay Diploma: Environment Planning. Waxa xigtay
inuu casriyeeyo aqoontiisa oo uu ku gunaanado inuu Norwegian Architect
Academy ka helo laba diploma oo kala ah: Architecture and ecology iyo
Rehabilitation and Environment.
Dhinaca Shaqada waxuu ka hawlgalay Xamar oo uu hormood
ka ahaa dhismayaashii kacaanka, waxuu sidoo kale ka hawlgalay Jabuuti iyo
Hargeysa oo lagu xusuusto jidadka iyo daa’irooyinka (Roundabouts) Jabuuti,
dhismaha barlamanka iyo nashqadeynta madaxtooyada. Waxaan la iloobi Karin
tobananka sano ee uu ka soo shaqeeyey Dawladda Hoose ee Oslo, caasimadda
Norway, dal uu haystay jinsiyaddiisa. Waxuuna ka mid ahaa ururo cilmiyeed iyo
qaar mihnadeed ooy ka mid yihiin:
Registered Chartered
Architect, MNAL.
International Union of
Architects, UIA.
Member of Oslo
Architects society. OAF.
Waxa kale oo uu ahaa nin muddo ahaa La-taliyaha
Mayorka Hargeysa oo ku dhalisay inuu xilkaas doonto kolkuu arkay baahida taala
iyo siduu wax uga qaban lahaa.
Marxuum Yuusuf waxuu ku hadli jiray afafka Ruushka, Norweygian,Ingiriska, Carabiga iyo
dabcan kan hooyo.
Marxuun Yuusuf waxa la sagootiyey maamuus sare iyo
jaceyl qaran oo dhab ah.Waxaana u dhacday aas ina tusaaya jaceylka dadkiisa
inoona iftiiminaaya inuu heli doono naxariista Ebbe. Alle wuu waafajiyey
khaatumo san oo labadii sano ee u dambeeyeyba wuu xajay, isagoo kan dambe
ooridiisana kaxeeyey. Waxuu ii sheegay inuu sanad walba xajiyi doono inta uu
nool yahay.
Yuusuf waxuu ifka kaga tegay afar uu dhalay laba wiil
iyo laba hablood iyo afar uu awoow u yahay seddex wiil iyo gabadh, dhammaana ku
nool Norway, iyo xaaskiisa Khadra oo Hargeysa ku nool.
Waxaan tacsi
gaar ah oo qalbiga guntiisa ka timid u dirayaa Khadra oo xaaska Yuusuf ah,
tafiirtiisa iyo reer Warsame iyo tafiirtooda, si gooni ah waxaan u xusayaa
hablaha oo uu Yuusuf si aan xad lahayn ugu dhowaa: Caasha, Faadumo, Sahra,
Nimco, Safiya iyo Saynab. Waxaan leeyahay xaqqa Alle ayaan cidi baajin Karin ee
Alle haydin waafajiyo samir iyo duco haydina siiyo cawad kheyr badan. Aamiin.
Aan ku soo afjaro maqaalkan anoo ka wakiil ah ehelka
Yuusuf mahadnaq kal iyo lab ah oon u hayno xukuumadda, dawladda hoose, iyo
shacbiweynaha sida maamuuska iyo qadarinta mudan ee ay u oogeen aaska mayor
Yuusuf Warsame.
Waxa ila soo xidhiidhay dad badan oo raba in loo dhigo
habeen xus ah (Memorial) , waxaan balan qaadayaa inaynu samayn doono xuskaas oo
ay hormood ka noqon doonaan Dawladda Hoose ee Hargeysa kolka aynu isla meel
dhigno garabka haweenka oo weli aan ka soo kaban naxdintii geerida. Waa la
iclaamin xiliga ay ku habboonaato Insha Allah.
INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha Sl ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Tel: Hargeysa 4096421
No comments:
Post a Comment