18 April, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron iyo Somaliland oo loo bandhigay Goob jooge inay ka noqoto

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron iyo Somaliland oo loo bandhigay Goob jooge inay ka noqoto

Madaxweyne Siilaanyo oo aan wali soo saarin go'aan uu ku qanciyo Dadkiisa ku taageeray inaanu ka qayb gelin

breaking22London(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay kulan xafiiskiisa ku yaala Number 10 Downing Street kula yeeshay Raysal wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron, iyada oo ay ku wehelinayeen kulankaasi Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed C.laahi Cumar iyo wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan.

Kulanka Raysal Wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxweynaha Somaliland oo aan hore loo sii shaacin ayaa shalay qabsoomay iyada oo aan Xog dheeraad ah laga haynin hadana ilo wareedyo lagu baahiyay Mareegta Somalilandtoday ayaa sheegay in kulanka labada dhinac u badnaa in Somaliland ka soo qayb gasho shirka Ingiriisku Somaliya u qabanyo 7 bisha May.

Lama oga in Madaxweyne Siilaanyo lagu qanciyay in uu shirkaasi ka qayb galo iyo inkale, hase yeeshee qoddob ka mid ahaa toddobadii qodob ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Somaliya Xasan Sheekh ku heshiiyeen kulankoodii ugu danbeeyay ee Turkiga  oo ahaa in dhaqaalah beesha Caalamku siinayso Somaliya ay qaybsadaan Somaliya iyo Somaliland ahaa iftiiminayay in Somaliland ay ku dhacayso shirkaas inay ka qayb gasho.

Shirka Ingiriiska ka dhici doona ayay Somaliya iyo Ingiriisku hore u shaaciyeen inay Guddoomin doonaan taasina waxay ahayd sababta ugu weyn ee ay Somaliland ku diidanayd, hase yeeshee markii ay aqbashay qoddobka dhaqaalaha oo ay mar kasta ku cel celiyaan madaxda Xukuumaddu haddii dano dhaqaale u galaan shirarka Somaliya iyo Beesha Caalamka inay ka qayb geli doonaan, waxaanu qoddobkaasi muujinayay Somaliland in Ingiriisku u soo bandhigi doono maadaama ay qoddobkaas aqbashay wax ka hor istaagi karaa inaanu jirin.

Ma cada Dawladda Ingiriisku inay Ajandaha Shirkaas wax ka bedeli doonto oo ay Somaliland ka dhigi doonto daraf sadexaad oo shirkaas guddoomintiisa ka qayb qaadan doonto iyo inay sidii hore ee ahayd Gobol Somaliya ka mid ah ku wado doonto, hase yeeshee Sarkaal ka tirsan Xukuumadda ayaa Waaheen u sheegay in Raysal Wasaaraha Ingiriisku u bandhigay Madaxweyne Siilaanyo inuu ka soo qayb galo shirkaasi isagoo kula taliyay Goob-jooge-nimo inay xataa kaga soo qayb gali karaan balse kamuu tanaasulin qorshihiisii hore.

Madaxweyne Siilaanyo illaa hada jawaab cad kamuu bixin soo jeedinta Ingiriiska hase yeeshee waxa ay u muuqataa in uu aqbali doono sababo badan awgood, kuwaas oo ay ka mid yihiin dano dhaqaale iyo iyadoo loo tusay furado kale inay ugu jiri karaan.

Short URL: http://waaheen.com/?p=64081

No comments: