16 April, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM XILDHIBAAN CABDILAAHI SH. XASAN.

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM XILDHIBAAN CABDILLAAHI SHEEKH XASAN CISMAAN


 La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN. CABDILAAHI SHEEKH XASAN CISMAAN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Maanta 16/04/2013. 

 Xildhibaan Cabdilahi Sh Xasan waxuu ahaa nabad-tailye door-muhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee walaalaha ah, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golaha mudo dheer oo aad u qaaliya laguna xasuusan-doono marxuumka. Waxaan si gaar ah u tacsideynayaa dadweynaha gobalka Maroodi-jeex iyo Gobalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu marxuumku ehel badan ku leeyahay.

 Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanba uu waafajiyo samir iyo duco. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN 

Axmed Xasan Carwo 
La-taliyaha Madaxweynaha SL 
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga 

eci.advisor@gmail.com

http://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

No comments: