23 April, 2013

KULAN AY ISKUGU YIMAADEEN QURBAJOOGTA BEESHA CIIDAGALE EE KU DHAQAN WADDANKA UK OO KA DHACAY MAGAALADDA LONDON

KULAN AY ISKUGU YIMAADEEN QURBAJOOGTA BEESHA CIIDAGALE EE KU DHAQAN WADDANKA UK OO KA DHACAY MAGAALADDA LONDON

London-(BLM)- Shir ay iskugu yimaadeen Beelwaynta ciidagale ee ku dhaqan wadanka Uk ayaa maanta ka dhacay caasimada Wadanka Uk, shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qurbajoogta reer uk ee beesha ciidagale

 

Shirkan Maanta La Iskugu yimid Waxa goob joog ahaa  Maayerkii hore ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xuseen Mahamuud Jiciir oo ka war bixiyey xaaladda guud ee wadankeeni hooyo Ku Suganyahay  Waxaanu ka warbixiyey wadaddii Cadayd halka ay marayso isaga oo sheegay in wajigii labaad ee wada la gudo-galay howshuna ila hada sifiican
u socoto.

Waxaa Kale oo isna madasha ka hadlay ganacsade ismaaciil cago-weyne kana mid ah guddida dhismaha wadadda cad wuxuuna ka warbixiyey halka ay howshu marayso iyo waxa ila hada u qabsoomay. waxa kale oo uu ku gubaabiyey dhamaan dadweynihii kasoo qayb galay shirka sidii looga wada qayb qaadan lahaa dhismaha wadadda cad.

 

Waxaa sidoo kale iyana madasha ka hadashay gudoomiye ku xigeenka garabka

haweenka ee ururka gaaroodi marwo Aasiya jamac oo ka hadashay xaalada dhakhtarka sallaxley halka uu maraayo iyada oo sheegtay in dayrka oo keliyaata uun u hadhsanyahay dhakhtarka isna hada gacanta lagu hayo sida ugu dhakhsaha badana loogu dhamaystiri doono.

Waxaa kaloo isna madasha ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Deeq Cabdi Digale oo ka war bixiyey mudadii uu xilka hayey waxiii u qabsoomay iyo waxa ay hiigsanayaan isaga oo kula dardaarmay dhamaan marti sharaftii inay iska kashadaan waxtarka iyo isku xidhnaanta beesha :

gorfeyn badan ka bacdi waxa laysla qatay in shirwayne loo dhanyahay la iskugu yimaado taas oo fikradeedana ay lahaayeen garabka haweenka ee ururka Gaaroodi  taas oo dhamaan marti sharaftii soo dhaweyeen .gabagabadii waxa soo gunaanaday  guddoomiyaha Guddidda beesha  Mudane  Abokor Maxamed Ismacil oo uga mahad celiyey dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka isaga oo sheegay in dhawaan la iclaamin doono wakhtiga shirka la qabanaayo.

Baligubadlemedia.com
London/ Uk

No comments: