09 April, 2013

Khilaaf hor leh oo ka taagan khayraadka Xidhka Saliida ee Saaxil


Khilaaf hor leh oo ka taagan khayraadka Xidhka Saliida ee Saaxil


Dadka deegaanka oo ku jahawareersan cida bixisay Sahanka laga wado deegaankaasi

Berbera(Waaheen) Shacbiga ku dhaqan deegaamada xidhka saliida iyo guud ahaan tuulooyinka gubanka koonfur bari ee Gobolka saaxil ayaa ka horyimi qorshe ay shirkad aan ilaa hada la aqoonsan cid masuuliyadeeda koowaad leh oo ah shirkadaha macdanta qota kuwaas oo ku tagtay deegaamadaa xidhka Saliida iyo deegaamada ku Teedsan buuraha gubanka ee koonfur bari ee gobolka saaxil sahan ay macdan ku baadhayaan, Waxaanay nimanka shirkadaa wataa dhamaantood ka soo jeedaan beesha bariga Burco ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo kuwaas oo dhamaantood kayimi wadanka debediisa gaar ahaan dalka Ingiriiska sida ay sheegayaan wararka la xidhiidhaa,

Nimanka shirkadan wata oo qorshaha macdan baadhista barayahaaba ka waday qaar kamida gobolada Somaliland ayaa waxa deegaamadan gubanka gobolka saaxil soo waajaheen mudo hadda laga joogo sadex maalmood iyaga oo wata gaadiid landcrusser ah iyo gaadhi ciidan boolisa oo katirsan Ciidamada booliska gobolka saaxil, dadka deegaanka ku dhaqan ayaa markii ay ka war heleen shirkada macdanta ka baadhaysa deegaamada ay ku dhaqan yihiin ayaa waxa ay ay fariin baaqa udirteen cuqaasha, odayaasha, waxgaradka iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee kasoo jeeda deegaamadaa iyaga oo ka hor intii aanay baaqaa diran shirkada iyo nimanka wataba uga digay in aanay deegaamadaas wax hawl gala oo aan iyaga lala socodsiin ka fulinin ama aanay ogolaansho ka sidan golaha deegaanka ee degmada berbera ama maamulka gobolka saaxil oo aanay waliba ku niyad samayn sida ay manta sheegeen dadka ku dhaqan deegaanku,
Baaqii ay shacbiga deegaanku dirteen ayaa waxa jawaabay oo deegaamadaasi ku baxay madax dhaqameed, waxgarad, odayaal iyo xubno katirsan golaha deegaanka ee degmada berbera kuwaas oo ay kujiraan xubno laga soo doortay deegaamadan xidhka Saliida iyo buuraha gubanka Koofur bari ee gobolka saaxil, waxaana kamid ahaa xubnaha golaha deegaanka ee goobtaa ay Shirkada aan la aqoonsani macdan baadhka utagtay Xildhibaan Maxamed Cali Xaji Axmed(Maxamed Cali Haybe), Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre, Xildhibaan Iid Saleeban Cali

Waxanay kulamo is wareysiya la qaateen dadka deegaamadaa ku dhaqan iyo waxyaabaha ay ka cabanayaan, waxaanay kulamadooda ka bilaabeen tuulada Geel loo kor ee kutaala wadada isku xidha degmada sheikh iyo berbera, waxaanay guud ahaan odayaashii iyo dadkii deegaankaasi ku Daganaa si isku mida iskaga wada dabamareen in aanay ogolayn in aan deegaamada ilaahay ku abuuray loo gacan dhaafin hadii laysku dayo in loo gacan dhaafana ay dagaal kala hortagayaaan

Waxaana kamid ahaa cuqaasha magaalada geel lookor ka hadlaayay Caaqil Cabdi Xirsi Dhuux Yare Waxaanu yidhi"Anagu waxa aanu nahay cuqaasha gobolka saaxil gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Deegaamadan weerarka qaawan lagu soo qaaday ee xidhka Saliida, halkana waxa aynu isugu nimi waa taas ee la leeyahay magaaladda rag aan la garanayn oo shirakado wata ayaa macdano iyo ceelal baadhaya dadka deegaankuna uu dee sas ka qaaday wax wara oo ogaysiinana aan la siin iyaga iyo cuqaashooda iyo waxgaradkoodii toona, nimankani hadii ay dawlada ruqsad ka haystaan iyo hadii kaleba waxa dadka ilaahay deegaanka ku beeray ay ku leeyihiin xaq iyo xuquuq ilaahay siiyay ileen iyagaa ilaahay meesha ku beerayoo ninkastaaba dhagax ama geed ayuu ku fadhiyaa oo ilaashanayaa. Mida kale hadii aan dadka deegaamadooda danta laga leeyahay tix galin la siinin dawlad iyo shirkadba dee iyaguna cidnaba tixgalin maayaaan, nimankana ilaaa al'aanaa gudida deegaamada iyo Waxgaradkoodu toona may aqoonsan dee wadanka amaankiisa in la ilaaliyaana way wanaagsan tahay waxa aan leeyahay hadii ay nimankaasi ogolaansho ka haystaan oo ay jirtaba waa in ay dadka deegaankana la xaajoodaan oo is ogaysiiyaan hadii kale dee arintaasi waxa ay keenaysaa nabad galyo xumo mid kale deegaamada iyo dhulka ilaahay meelkasta cid buu ilaahay ku abuuray cidaasaana loo dabafadhiisanayaa oo wax laga weydiinayaa,
Caaqil Cabdi Siciid Maxamed oo katirsan cuqaasha deegaamada macdanta laga baadhayo ayaa waxa uu isaguna yidhi"

 waxa na soo gaadhay ilaa shalayto in gawaadhi aan la garanayn oo meelnaba aan ka diwaan gashanayni ay meeraysanayaaa oo iska soconaya oo walibana la leeyahay macdan ayay ka baadhayaaan Xidhka Saliida, Bixin duule, geeel lookor iyo laalays ilaa haddana gawaadhidaasi waa joogaan dee dhulkana dad baa kunool oo ilaahay ku abuuray dhulkana waa la ilaalinayaa qorma cadna maaha dee hadii ay shirkadani tahay mi sharci ka haysata dawlada waa la yaqaaan oo wado ayay dawladu waafajisaa waxaanay uyeedhaa cuqaasha deegaamada muraadka laga leeyahay kuwaas ayaana dadka deegaamada ku noolna uwar geeya , laakiin hadda sida ay wax usocdaan waa sife khaldan imika anagu dadkii deegaamada oo kacsan ayaanu unimi waananu dajinay xukumadana waxa aanu ugu baaqaynaa in ay shirkadahan aan la garanayn ee iska xalinaya ay uwado samayso dadka ama shacbigii deegaamadan ku dhaqnaa imika waxa aanu kula balanay in aanay talaabo qaadin meeshana aanay cidi imanayn hadii ay yimaadaan nimankaa shirkada macdanta baadhaysaa ilaa inta lawada hadlayo fasax ayaa tihiin ayaanu ku nidhi oo iska celiya

No comments: