17 April, 2013

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Wakiiladda Oo Sixir-Bararka Dalka Ka Jira Sabab Uga Dhigay Ku Tiir-Sanaanta Bulshadda Ee Lacagta Doollarka


Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Wakiiladda Oo Sixir-Bararka Dalka Ka Jira Sabab Uga Dhigay Ku Tiir-Sanaanta Bulshadda Ee Lacagta Doollarka


"Mushkiladaha Ina Haysta Waxa Ka Mida Sarif-leyaal Waawayn Oo Baan Noqday, Sharcigii Baankana Aan Ku Dhaqmin, Hadii La Doonayo In Lacagtu Qiimo Yeelato Waa In Bulshadu Qiimo Wayn Siisaa"Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud

Hargeysa, April 17, 2013 (Halbeegnews) – Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi ayaa sixir-bararka dalka ragaadiyey sabab uga dhigay ku tiirsanaanta bulshadda Wadankani shay-kasta ku iibsato lacagta Doollar, kaas oo sheegay inay talaabadaasi qiimo tirtay lacagta Somaliland Shiling-ka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi waxa kale oo Mushkiladaha dhaqaale iyo hoos u dhaca lacagta dalka u sibir-saaray Sarif-leyaasha dalka oo uu sheegay inay Baanan noqdeen, isla markaana aanay ku dhaqmaynin Sharuucdii Baananka u dajisnaa, kaas oo bulshadda ugu baaqay inay qiimayso lacagteeda si ay uga xorawdo Mushkiladaha nolasha ka haysta.

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta u waramayey ka dib markii uu ka soo baxay Shir aan Saxaafadda loo ogolayn oo ay la yeesheen Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga Dhexe, kaas oo sidoo kale xusay inay Saraakiishaa ay la kulmay ay kulankoodaas ku falanqeeyeen sida looga adkaankaro caqabadaha sixir-bararka ee bulshada dalkani ay wehelka u noqotey. Ugu horayna Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud isaga oo kulankaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Kani waxa uu ahaa kulankii labaad ee aanu la yeelayno Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiinta Baanka dhexe, waxaanuna ka wada hadlaynay arrinta sarifka lacagta Somaliland, Go'aankii aanu isla gaadhnayna waxa uu noqday in Wasaaradda iyo Baanka dhexe arrintaa ka wada hadlaan wixii ay xal u arkaana aanu isula soo noqono iyagoo anagana naga qayb galinaya".

Mar uu ka hadlaayey rajada uu ka qabo arrimihii ay ka wada hadleen sida ugu fiican u dhamaan doonaan waxa uu yidhi "Waxaanu ku rajo waynahay in Wasaaradda Maaliyada iyo Baanka dhexe arrintaa xal deg-dega ka soo gaadhi doonaan, arrintuna waxay ku wanaagsan tahay in laga wada hadlo oo laysku Miisaamo dhibtiisa iyo wanaagiisaba. Hadii Alle yidhaana wiiga soo socda ayaanu u balanay".

Isagoo ka hadlaya mushkiladaha bulshada ka haysta dhinaca dhaqaalaha waxa uu yidhi "Mushkiladaha jira waxa ka mida inagoo aan lacagteena isticmaalin ee had iyo jeer isticmaalna lacagta Doolarka, taas oo marka shayga qiimihiisa la sheegayo lagu sheego doolar, inaga sharci ahaan lacagteenu waa Somaliland Shiling ee maaha doolar, hadii la doonayo in lacagtu qiimo yeelato waa in bulshadu qiimo wayn siisaa".

Mar uu gudoomiyhu ka jawaabayey su'aal ku saabsanayd adeega Zaad ee Shirkadda Telesom ayaa waxa uu yidhi "Waa waxyaalaha aanu ka wada hadlayanay, Anagu uma hayno sharci, laakiin Zaadku kuma fadhiyo Somaliland Shiling ee waxa uu ku salaysan yahay Dollar waliba hawada maraya, Anaga Baanku waxa uu noo sheegay inay arrintaa iska arkeen shirkada Telesom waxna isla-gaadheen waxaananu rajaynaynaa in ay wax isbedali doonaan".

Xildhibaan Maxamuud Cumar waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatootiyka bulshada ka haysta dhinaca sarifka lacagaha, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi "Mushkiladaha ina haysta waxa ka mida sarifleyaal waawayn ayuunbaa baan noqday sharcigii baankana aan ku dhaqmin, taasina waxay ka mid tahay mushkiladaha ina haysta waana ku lays laafa jinaayo."

Halbeegnews/Hargeysa Office.

No comments: