27 April, 2013

Af-soomaaliga cusub ee dhalinyartu isku af-garato

 W/Q: Cali Coomay

Waa kalmado ay si joogto ah, u isticmaalaan da'yartu oo dhexdooda ay isku fahmaan, balse aanay dadka waayeelka ahi fahmin. Marka laga reebo dadka waayeelka ah ee dhalinyarta xidhiidhka la leh. Bal ee hadda eeg:

          Erayada cusub                                                                              macnahooda

Wuu is-rifayaa……………………wuu qayilayaa

Waad igu liin-baxday………waad iga hadhi weyday

Yaa la socda…………………  yaa taageersan

Waa loo raran yahay… uurbaa loo leeyahay

Nadiif baan ahay……lacag ma haysto

BBC-da og……………………qof kasta og

Lugtuu aastay……… ……wuu guursaday

Waa loo qayilay………… waa la khiyaameeyey

Baddaa ku kacsan………Wuu lacag la'yahay

Waa lala soo darsay ……jacayl baa ku dhacay

Tacsibaa u taal………….waa lala guursaday

Afkuu furtay………………wuu caytamay

Dhiiqaduu cabay………wuu ceeboobay

Noo baandhee…………aynu is-dhagaysano

Waa laga lushaa…………waa la jecel yahay

Nalbuu shitay……………sirtiisuu sheegay

cid kale ayey u raran tahay ………qof kalay la sheekaystaa

naftay dhigeen……………………………way tahriibeen

badduu galay……………………………balwad ayuu yeeshay

jeebkiisaa qoslaya……………………waa oday lacag haysta

gaadhigayga maaha…………………kama helo noocan

shahaadaa loo dalbay……………dhaawac baa gaadhay

miisaan ayaa saran………………meel baa laga haystaa

jilbuhuu aastay…………………caruur buu dhalay, aabo

google weeyi…………………waxba lagama qarin karo

timuhuu daystay……………………wuu waashay

hawo ayuu soo doontay…………Dibada ayuu ka yimid

gacantaa dheeraatay………………wuu shaxaad badatay

yaa kula og……………………………macquul maaha

maskaxduu furtay………………maandooriyuu soo cabbay

cirkuu galay…………………………wuu dhoofay

wuu ku qarxiyey…………………wuu ku caddeeyey

luuq buu ku jiraa…………………wuu guursaday

wuu tigtigan yahay………………waa tahriib

yaasiinkaa dhaafay……………miinaa la qaraxday

wuu baxsan yahay……………sheekada lama socdo

ducadii ma timid………………biilkii ma yimid.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

No comments: