14 March, 2013

Wasiirka Ugu Da’da Weyn Golaha Wasiirada Xukumada Siilanyo Oo Guryo Dawladu Leedahay Ka Iibiyey Nin Ganacsade Ah Markii Labaad


Wasiirka Ugu Da'da Weyn Golaha Wasiirada Xukumada Siilanyo Oo Guryo Dawladu Leedahay Ka Iibiyey Nin Ganacsade Ah Markii Labaad



Wasiirka ugu da'da weyn Golaha Wasiirada Xukumada Siilanyo oo Guryo Dawladu leedahay ka iibiyey Nin Ganacsade ah markii labaad

Hargeisa-(Qaran-news)-sida xoggo Qarannews heshay muujinayaan Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah wasiirka ugu da'da weyn Golaha wasiirada xukumada Siilanyo ayaa Beryahanba caadaystay,gacanta kula jiray Musuq-maasuq miisan culus leh , iibiyeyna Dhismayaal,Guryo iyo Dhulal banana oo hanti qaran ah.

Hawl-wadeeno ka tirsan wasaarada hawlaha guud, aadna ugu dhowdhow Wasiir Xaabsade ayaa Qarannews u xaqiijiyey in Dhismaha Hargeisa Nursing Hostel oo hoy u ahaan jiray Ardaydii wax ka baran jirtay dugsigii Nursing-ka Hargeysa Cahdigii xukumadii Siyaad Barre balse waayadan danbe Burbursanaa oo dad shicib ahi hoy ahaan u deganaayeen in Wasiir Xaabsade Faasaxey,kana iibiyey Nin Ganacsade ah.

Dhismahan Wasiir Xaabsade faasaxey ee Hargeisa Nursing Hostel iyo barxada uu ku fadhiyo ayaa waxaa ku socda dhisme Cusub,waxaa kaloo lagu wareejiyey Dayr cusub oo maalmahanba gacanta lagu hayey si loo dhalanrogo Guriga iyo dhulkuu ku fadhiyoba.

Geesta kale Wasiirka wasaarada caafimaadka Xuseen Xoog oo dhismaha Gurigan la dhalanrogaayo wasaaradiisa hoos tago oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu xog dheeraada uga helo arintan iibka guriga ayaaney noo suurtogelin isagoo qaban waayey Telefoonkiisa Gacanta oo aanu dhawr jeer oo isku xigxiga ku celinay ,hae yeeshee xoggo aanu ka helay Masuuliyiin ka tirsan wasaarada Caafimaadka oo Wasiir Xuseen Xoog aad ugu dhawdhaw, qadiyada Gurigan la musumaasuqeyna xogogaal u ah ayaa Qarannews u sheegay in wasiirku qadiyadan si weyn uga cadhoodey,Qoraal cabasho ahna u gudbiyey Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Saylaci si Gurigaa dib loogu soo celiyo gacanta wasaaradiisa oo laga joojiyo dhismaha iyo Binada ku socota.

Isku soo wada duuboo wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah Tiirarka musuqmaasuqa Golaha xukumada Siilanyo ayaa cahdigii xukumadii Rayaale Guri weyn oo hanti qarana oo lagu maamusey ama lagu muunadeeyay markii uu ka soo diga-rogtay Puntland ka Faasaxey Ganacsade Axmed Daahir Baxsane. Lacagta uu Gurigaa ku iibiyey Xaabsade oo lagu qiyaasey ilaa iyo $255.000 ayaa la sheegay inuu Guri weyn oo Fooqa oo uu ku qoray magaca marwadiisa ina-colujoog kaga dhistay Magaalada Garoowe,Gurigaas oo la sheegay inuu hadda uu kirsan yahay oo Hayadi ku jirto ama degan tahay,taas la ajligeedna waxaa lagu xantaa inuu shaqo tag-yahay oo Somaliland u soo lacag doontay!.

No comments: