07 March, 2013

Wasiiraddii Turkiga u baxay oo ka habsaamay diyaaradii ay raaci lahaayeen oo loo hakiyay muddo

Wasiiraddii Turkiga u baxay oo ka habsaamay diyaaradii ay raaci lahaayeen oo loo hakiyay muddo

Waxay ku habsaameen Hargeysa oo ay ku Duhursadeen

FlagbigBerbera(Waaheen) Weftigii Wasiiradda ahaa ee shalay u baxay Dalka Turkiga ayaa shalay ka habsaamay wakhtigii ay kici lahayd Diyaaradda Itoobiya Airline, waxaanay taasi sababtay in Duulimaadkii diyaaradda muddo badan loo hakiyo si ay uga soo gaadhaan.

Wasiiradda u baxay Dalka Turkiga ee ka dhoofay Madaarka Berbera ayaa kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cali Ducaale iyo Wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan,waxaana Dalka Itoobiya kaga biiri doona Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed C/laahi Cumar oo ka soo laabtay socdaal uu ku tagay Dalal ay ka mid yihiin jarmalka iyo Holland.

Habsanka labada Wasiir ayaa lala xidhiidhinayaa tabaabulsho xumo dhinaca Safarkooda la soo daristay kadib markii Madaxweyne Siilaanyo saacadihii danbe ee habeen hore go'aansaday inuu ka hadho safarkaasi, iyada oo aan ilaa hada la ogayn sabatbta rasmiga ah ee uu uga baaqday.

Labada wasiir ayaa shalay Barqadii wakhtigii ay ahayd inay Berbera joogaan lagu dhex arkayay iyagoo dhex jooga qaar ka mid ah xafiisyadda Dawladda gaar ahaan Baanka Dhexe oo ay ka qaadanayeen sahaydii ay ku jid mari lahaayeen, oo ay wanaagsanayd inay xili hore sii diyaarsadaan.

Si kasta ha ahaatee ilaa hada lama oga sababta weftigii Xukuumaddu u kala hadhay, hase yeeshee dadka siyaasadda Xukuumadda Kulmiye ee talada haysaa faaleeyaa waxay u sibi saarayaan sheekaddu inaanay ka fogayn ujeedada Martiqaadka oo aanu si faahfaahsan Madaxweynuhu u ogayn, halka ay ilo wareedyo kale taageerayaan hadalka Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta C/laahi Cukuse oo ay sheegayaan in  Safarka Madaxweynaha ee Dalka Turkigu wali taagan yahay.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa iyana sheegaya safarka Madaxweynuhu inuu ahaa dhagax laba Shinbirood lagu wada dilayay oo uu wehelinayay safar kale oo qadar ah balse Jadwalka oo isku hagaagi waayay awgeed dib loo dhigay.

Isku soo duuboo Safarada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ayaa  ah inta  badan kuwo aan qorshe adag oo laga baaraan degay lahayn balse inta badan ku dhex qasma talooyinka oo meelo kala duwan laga bixiyo iyo dhinaca isgaadhsiinta dhexdooda oo aan sidii la rabay u fulin.

 

 

 

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=61096

No comments: