18 March, 2013

WARSAXAAFADEED XISBIGA KULMIYE


            Jamhuuriyadda Somaliland

Xisbiga kulmiye

                                                                                                            17/03/2013

WAR-SAXAAFADEED: DIB-U-DHIGISTA SHIRWEYNAHA CAADIGA AH EE XISBIGA KULMIYE

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go'aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.

Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-

Ø Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.

Ø Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ø Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.

Ø Markii uu arkay go'aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go'aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay'adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go'aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu.

 

Allaa Mahad leh

 

Xasan Siciid Yuusuf

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

 








No comments: