05 March, 2013

Warbixin Rasmiya Oo Qaada-Dhigaysa Lacag Laba Malyuun Oo Dollara Oo Wassaaradda Maaliyadda looga fadhiyo Halkay Geeysay.

Warbixin Rasmiya Oo Qaada-Dhigaysa Lacag Laba Malyuun Oo Dollara Oo Wassaaradda Maaliyadda looga fadhiyo Halkay Geeysay.

Hargeisa-(Qaran-news)-Miisaniyad Sanadeedyadii 2011,2012 iyo 2013-ka ayey Xukumada Siilanyo ku dartay lacag cadadkeeda lagu sheegay 2.668.000.000 Sl.Sh.(Laba bilyan iyo lix boqol iyo lixdan iyo sideed malyuun) una dhiganta $676.000 (lix boqol iyo todobatan iyo lix kun oo dollar).
Warbixino rasmiya oo Qarannews ka soo ururisay xafiisyo iyo hawl-wadeeno xogogaala oo u dhuun daloola arimaha Miisaniyada Somaliland, kana tirsan Maaliyada ayaa tibaaxaaya in lacagtaa aan kor ku soo sheegnay ee sadexda bilyan ku dhawdhaw loo qoondeeyay ama loogu talo galay in lagu soo iibiyo Qalab iyo Agab loogu talo galay iskuxidhka iyo kaantaroolka firikuwansiyada shirkadaha telefoonada (Interconection System and Frequancy spectrum control) Somaliland.

Qalabkan loogu talogalay isku xidhka shirkadaha Telefoonada,kantaroolka Firikuwansiyada (Interconnection System and frequency Spectrum Management Unit) iyo weliba in Dawladu si fududu oo bilaa muran u hesho canshuurta ku waajibay shirkad kasta, si daqiiqad kasta oo shirkaduhu iibiyeen (debeda iyo gudahaba) loo ogaado ayaa sanadkii 2010 dabayaaqadiisii wasiirkii Isgaadhsiinta ee waqtigaas Cabdirisaaq iyo Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirka Maaliyada Shacabka reer Somaliland iyo Shirkadaha Telefoonadaba dhegaha ugu rideen in sanadka 2011ka la hirgelin doono Mahsruucaa ,Telefoonada shirkadahana laysku xidhi doono, oo aanu jiri doonin Qof danbe oo sita Laba Moobil ama Laba madax ( Cell Phone) Guriga ama xafiiska u yaalaan.

Yeelkeede miisaniyadii sanadkii 2011kii Eng.Maxamed Xaashi wuxuu ku daray lacagta dhan $676.000, hase yeeshee Qalabkii isku xidhka Telefoonada ee uu balanqaadey lama soo iibin, oo mashruucii ma hirgelin, lacagtiina meelay martay Eng.Maxamed Xaashi ma sheegin ,inay kharash ahaan u baxday,in Madaxtooyada Siilanyo qaadatey,inay luntay ama la lunsadey iyo inuu Eng.Maxamed Xaashi meel kale ku gufeeyey.Miisaniyada 2011-ka dakhli ahaan ayey ugu jirtay laakiin kharash ahaan meelay ku baxday Maxamed Xaashi ma sheegin markuu sanadkaasi dhamaadey ,lamina maqal inay Curaar tahay oo sanduuq gaara ku jirto,Lacagtaasi halkay martay Eng Maxamed xaashi ayaa looga fadhiyaa, meel ha saaro haddii kale qalinkan uu madaxtooyada la daba socdo mid la mida isagana la daba qaadan!.
Sidoo kale miisaniyad sanadeedkii 2012 ayaa Eng. Maxamed Xaashi mar kale ku daray Lacag dhan $676.000 oo uu u qoondeeyay hirgelinta mashruucii iskuxidhka Telefoonada iyo kantaroolka shirkadaha ee ka fashilmay 2011-kii,Hase yeeshee mar kale ma hirgelin mashruucaasi, waxa qalab ama dhisme ah oo la soo iibiyey ama lagu soo kordhiyey wasaarada isgaadhsiinta midna ma jirto, lacagtaasi meelay ku baxday lama sheegin, sanuuq xisaabeed gaar ahna oo ay ku jirto lama hayo ,taasna Wasiirka Maaliyada Sheikh Cabdicasiis Samaale oo Eng.Maxamed Xaashi wasaarada kala wareegay xilkeedii sanadkii 2012ka ayaa looga fadhiyaa halkuu geeyay!,ma asagaa qaatey,ma Madaxtooyadey gashey oo ku baxday, faankii iyo Sheekhnimadii Sheikh Samaale meeday?.
Sidoo kale miisaniyad sanadeedka 2013ka Wasiirka Maaliyada hadda Sheikh Cabdicasiis Samaale ayaa mar sadexaad lacag dhan $676.000 ku daray,inkastoo sanadka 2013 bishiisii sadexaad lagu jiro, welina waqti badani hadhay ma muuqato sansaan muujinaysaa in Sheekh Samaale ku talo jiro inuu soo iibiyo qalabka iskuxidhka Telefooonada Shirkadaha Isgaagsiinta oo miisaniyada ugu jira balse weynu eegi halka sheekhu ka furkudiyo marka sanadku dhamado inuu wadadii hore raaco iyo inuu sanduuq xisaabeed gaara ku shubo iyo inuu qalabkii loo qoondeeyay ku soo iibiyo.
Geesta kale waxaa dhawaan Wasiirka Maaliyada Sheekh Cabdicasiis Samaale dhagax dhigay dhisme hal Dabaq ah oo loo dhisaayo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo la sheegay inay ku baxayso lacag dhan $800.000 taas oo wasiir Sheikh Samaale cadeeyay inaaney miisaniyada sanadka 2013ka ku jirin. Tolo xaguu lacagtaas ka keenay Sheikh Cabdicasiis Samale?.
Lacagtaas sadexda sanadood ee 2011,2012 iyo 2013ka lagu daray miisaaniyada Qaranka ,wax loogu qabtay wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiinta ka muuqan. Xafiis looma dhisin,Xafiis looma dayactirin,tababaro shaqaale laguma bixin,Wasaarad markaad gudaheeda gasho dareemaysid dhismayaal aad u gaboobay oo ku dhaw inay dumaan oo Ingiriisku dhisay 70 sano ka hor,dayac badanina ka muuqdo,wax dhaqdhaqaaq ah oo ka socdaana aanu jirin,had iyo Jeerna Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada la geeyo ayaad korkooda iyo dhaqankooda ka akhriyi kartaa Wasaarada.
Ku darsoo waxaa muuqata in Wasiirka Maaliyada Sheikh Cabdicasiis Samaale aanay xataa wasaaradaha iyo Wasiirada u sinayn, isagu mid ahayn ee uu miisaniyada u badiyo wasaaradaha ay wasiiradoodu Madaxtooyada la jaalka yihiin ama ku dhawdhaw yihiin hayb ahaan sida wasaaradan ciyaaraha oo wasiirkeeda Cali Saciid Raygal Madaxweyne Siilanyo isku beel yihiin oo loo dhisaayo dhisme Fooq la sheegay inay ku baxayso lacag dhan $800.000 oo aan miisaniyad sanadeedka 2013 ku jirin sida Wasiir Sheekh Samaale ku faaney ,halka wasaaarada Isgaadhssiinta Somaliland oo qalabka iskuxidhka Telefoonada loogu daray miisaniyadihii 2011ka,2012ka iyo sanadka 2013ka hase yeeshee ilaa hadda waxba loo dhisin,waxbana loo soo iibin.ku darsoo lacagtaas sadexda sano miisaaniyada loogu daray oo dhan $2.028.000 (Laba Malyuun iyo sided iyo labaatan kun oo dollar) la aqoon halkay gasho ama ku luntay.
Isku soo wada duuboo wasiirkii hore ee maaliyada Eng.Maxamed Xaashi iyo Wasiirka Maaliyada Hadda Sheekh Cabdicasiis Samaale waxay umadda reer somaliland uga fadhidaa Hirgelinta iyo Qalabka isku xidhka Telefoonada ee miisaniyadaha sanadihii 2011,2012 iyo 2013ka lagu daray!,sidaas si la mid ah waxaa looga fadhiyaa inay Umadda u cadeeyaan halkay geeyeen lacagaha cadaadkaas leh ee sadexdii sanadood ee xukumada Siilanyo talada haysay lagu daray miisaniyada ee aan qalabkii lagu soo iibin, halkay lacagtaasi gashay,halkay ku luntay!.

No comments: