04 March, 2013

Wadaadna Dad U Eeki Buu Kugu Dilaa Abeesana Dhul U Eeki


Wadaadna Dad U Eeki Buu Kugu Dilaa Abeesana Dhul U Eeki


Marka hore waxan halkan salaan aadu qiima badan hawada usoo marinayaa akhristayaasha qiimaha leh ee annu dareen wadaagga leenahay ee ku taxan maqaallada iyo qoraallada marka in milay ah lajoogaba an mareegaha usoo mariyo .



Akhristoow dhaqankeennii guunka ahaa wadaadada diinta aqoonta fiican u lihi waxay u badnaan jireen dad ka dhawrsoon u badheedhidda boolida iyo wixii aanay diinta islaamku innoo bannayn , sidaa daraadeed dadka waxay ka haysteen oo ay ka kasbadeen kalsooni fara badan , hadaba iyadoo ay sidaa tahay hadii qof wadaada oo sidaa loogu kalsoonaa lagala kulmo khiyaamo , wax is hore iyo daba marin , ayaa waxay dadka ku noqon jirtay fajjiciso iyo qaadanwaa , waana sababta keentay hawraartan wadaadka lagu lammaaneeyey abeesada oo dadka ku disha midabkeeda hadba carrada ay ku nooshahay u eg , ee wadaadkiina lagu tilmaamay in wadaad xumuhu kugu dilo dad u ekki ( waa siday maanta inagu laayaane ).



Akhristoow qofka is bidaya inuu wax ku biirin karo bulsho uu kasoo jeedo hiil iyo hooba ee daacad u ah umaddaa uu kasoo jeedo , waxa habboon inaanu kagala masuugin wixii uga baxa sansaanka hadba waayaha taagan , si uu ugu ila bixiyo jidkii himilada umaddaasi ay u jeexattay in hoggaankeeda iyo haldoorkeedu marinkaa u baadi soocan ku taaganyihiin iyo inay ka baydheen oo ay wadda dhibiiq kale oo toobiya qaldan ah qaadeen .



Maantana waxan qalinka u qaattay inaan wax idiinka tilmaamo turxaamo iiga muuqda jidka boolida ah ee himiladii fogayd ee aynu tacabka faraha badan soo gelinnay ay hoggaankii aynu codka ku doorannay ay jidkeedii toosnaa inaga leexiyeenee ay cagta innoo saareen haadaanta ay inagu wadaan ee aynaan u igman .



Umadyahay inaynu xaqiiqada is taabsiinno ayaa fiicane marnaba indhaha lagama qarsan karo in adduunyadan maanta aynu ku noollahay ay mayalkeeda gacanta ku hayyaan dad an ku tilmaami karo inay yihiin aadmiga nooc ka arradan haba yaraatta e milgaha iyo sumadaha aynu ku suntan karro dadnimada .

kuwaasoo aan marnaba ka danqanin una jixinjixin dacdarrada iyo dulmiga ay kula kacaan aadmiga intiisa kale , una oomman oo keliya kusoo ururinta awoodaha kala duwanee admiga aduunkan korkiisa ku nool gacanta in koobanoo iyaguuni is og , lehna iyagu jaranjaro iyo kala danbayn iyaga uun ku kooban .



Kooxdan awooddii aduunka gacantooda kusoo ururiyay oo aan ahayn hebelada ku magacaaban jagooyinka madaxtinimo ee aynu aalaaba warbaahinta ka maqallo.



Kooxdan waxa si dadban iyo si toosaba u fuliya himiladooda iyo yoolkooda gurracan hebelada ku magacaaban jagooyinka ugu sarsarreeya ee quruumaha adduunka ku nool ugu asteysan inay umadohooda u taliyaan , laakiinse ah awrkiraalayaan dana dad kale uga adeegga umadohooga una gumeeya cid kale.



Xaqiiqaduse waxay tahay in madaxdan aynu naqaannaa ay yihiin uun agab ay adeegsadaan wegenkaa waxma xeerisada ah ee aan sharci iyo diin iyo dadnimo qabataa midnaba aanay jirin , yoolka u miil cadna si ay u gaadhaan aanay jirin haba yaraattee wax agtooda booli ka ahoo ay ka ajoodaan.

Aadmiga noocan ahi waa kuwa an ku tilmaamayo tuducyadan ku jira maansadaydii jiiftada ahaydee GARAAD ee an ku leeyahay :

waa halaq gu u weynoo

gibil saydhka neceboo

ruuxii garbaha lula

geed dheer u fuuloo

geesiga ka buubee

gedohooda diiday

gonda goynayaanoo

geylaamintiisana

hays lagu gabraartiyo

gawracatto luuniyo

gocorrada shisheeyuhu

gunnimada ku soocdaanbay

u gawaansadaanoo ay

goonbaar ku oodaan



inta geesi qawlalan

ama gaari qaadh duban

inta godob la qoofalay

qoqbaha gaboobiyo

god qalaalan hogataa

timeheenna guudkiyo

geedaha ka tiro badan



Aadmigan ujeedooyinka sawriirka ah leh ee maanta dunida ka amar ku taagleeya oo aynu inaguna cagtooda hoosteeda kusii jirno tamar iyo taagba waa isbahaysi ku wadhwadhay hore umar fadalka goostay oo xagga aqoonta noocyadeeda kala duwan ah iyo aduun aan hagar lahayn waxa u dheer ku dhac iyo dhiirranaan aanay waxba kala hadhin hir galin muraadka iyo danta ay meel ka leeyihiin aduunka ka mid ah.



Waxa kale oo ay farshaxan xeel dheer ku noqdeen adeegsiga rabitaanka umadaha iyagoo halgan kasta , dhiidhi kasta ama kacdoon kasta oo ay umadi la oogsattaba ku dhex badhxa dhuuniqaattayaal majara habaabiya uugaanka , qiirada iyo sahboodka ay umaduhu kaga gilgishaan duudsiga iyo dulmiga ay u dul qaadankariwaayaan kadibna ka dhiga biyadhigga tacabkii iyo halgankii ay umaduhu galeen ee ay mood iyo noolba u hureen hal bacaad lagu lisay iyo hungo madhan oo ay goor aan goor ahayn is ogaadaan in daalinkii ay iska tuureen iyo kan ay duubka shaalka ah duddada ugu geeyeen inay yihiin durkii hore iyo daabaciisii , waaba sida aynu maanta nahyoo aan biya is marine.

waxay umaddaasi noqotaa sidii uu mufakkirka weyn HADRAAWI yidhi:



dibu soco hore u soco

hore iyo dibba u soco

la da a weeyi taagnoow

maxaa daal la kororsaday

Ama sidii uu yidhi shahiidkii abwaanka weyn ahaaye AXMED JIINIES:

malaha aniga dhiilxoor

igamaba dhammaado

marka dhahar la tuuraba

dhiqlaa ii bedeli jiray

Taariikhyahannada ama aqoonyahanada dadka noocani ah xaqiiqadooda raadiyaa way ku kala aragti duwanyihiin barkulanka xogtooda dhabta ah iyagoo u badiya in dadkani badankoodu yihiin qowmiyadda yuhuudda iyo wixii la halmaala , aniguse markaan si qotta dheer raadkooda uga daba tagay halkaa ilamay galine waxay ila gashay inay dadkani yihiin dad ay kulmisay inta midab gunnimo leedahay , dadka ay adeegsanayaanna ku xusha gunnimada iyo dhega nugaylka.

Dadkani waxay mashkax ku baadhayaan oo ay shaandho aadu indha yaryar kulasoo hadhaan aadmiga kale qofkay is yidhaahdaan meel dheer iyo meel dhawba wuu idinka loodin karaa rabitaankooda gurracan , umana laba lugoodiyaan inay qofkaa si ama si kale saaxadda uga saaraan.



Muraadkooda ugu weynina waa inay hagaasiyaan rabitaankeenna iyo himilooyinkeenna iyagoo inagu dhex ragaadinaya keenadiidnimadeenna si aynaan waxba uga dikhoon oo aynu si buuxda isku dhiibno, sidii la doonana la inaga yeelo.

Akhristoow biya dhigga qoraalkaygu waxa weeyaan madaxda iyo hoggaanka aynu marba himiladeena dunta xariirta ah ugu xidhnaa waxaynaan uba canaan iyagu iskood beer baryay innooma kala goyn karaane dadkaa an idiin sheegay ayuunbay agab u yihiin oo ay fuliyaan rabitaankoodae adiga iyo dantaada ceella uma qodna ceelalyana uma maqna , idinkana waxbaba iskagama kiin tiriyaanoo adhibay idiin haystaan

( adhina shugux shugux kama il baxo ) markaad nabar kasoo gaggabgoysaanee ad dantiinna usoo miiraabtaanba hogaankiinna boolida ah ee xadhkihii la idinku xidh xidhayayee ad xusulada ku sidateen ahi idiinma waayo hees walwaaleed kale oo meel kale la idiinka qaado iyo inaad kolba geriyaad oomman farta ku wareegtaaan .

Akhristoow hadii ay tabihii duudsigu hore u markaa laxaadka leh gaadheen oo ay inaga lugmeersadeen is dhiibi maynee inagana hawsha innoo taal ee weyni waxay tahay sidii aynu tabahaa uga tab iyo xeelad samaysan lahayn kol aynu sidii ninkii aabbihii irbadda ka xadayee yidhi rag is gurayee intuu keenay in le eg himiladeenna u taakka soconno , ama aynu siyaasiyiinteenna jeenya daaliska ah faruurxidh u samaysanno oo aynu ka ilbaxno in sidii mulacyada la isku keen dhidhiyo .



Waa MAXMAUUD-GABYAAYE SHEEKH CABDILLAAHI MAARAY oo idin leh

ilaahay sida khayrka qabta ha inna waafajiyo ,isagaana mahad iyo maamuusba iska leh suubanaa oo korreeye .

No comments: