16 March, 2013

Somaliland oo xabsiga dhigtay Af-hayeenka Raysal Wasaaraha Somaliya oo Transit ku ahaa Madaarka Berbera

Somaliland oo xabsiga dhigtay Af-hayeenka Raysal Wasaaraha Somaliya oo Transit ku ahaa Madaarka Berbera

Ilaa hada lama oga Xukuumadda Somaliland sharciga ay u adeegsatay qabashada masuulkan iyadoo xeerarka caalamiga ah ee diyaaraduhu dhigayaan qofka Transit ka ah in aan diyaaradda u saran yahay lagala degi Karin

dfasdfasdHargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Af-hayeenka Raysal Wasaaraha Somaliya C/shakuur Cali oo Tarnsit ku ahaa Madaarka Berbera, kaasoo ay booliiska Madaarka ka hawlgalaa u dhaadhiciyeen xabsiga Berbera.

Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka Somaliland ayaa xalay Waaheen u xaqiijiyay inay sarkaalkaas ka qabteen madaarka Berbera, kadib markii ay amar ka heleen madaxda sare ee qaranka kuwaas oo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

C/shakuur Cali waxa qorshaha diyaaradda siday ahayd in uu saaka ka duulo magaaladda berbera, hase yeeshee markii la fadhiisiiyay Qolka VIP-da ayay madaxda Maamulka Gobolku amreen in loo dhaadhiciyo dhinaca magaaladda, halkaas oo lagu hayo saldhig Booliis.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan xidhay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo Gabilay u yimi Hooyadii uu xanuunsanysa, hase yeeshee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa ku riday Xukun ah in Dalka laga mastaafuriyo, isla markaana uu bixiyo ganaax dhan Hal Milyan.

Ilaa hada lama oga Xukuumadda Somaliland sharciga ay u adeegsatay qabashada masuulkan iyadoo xeerarka caalamiga ah ee diyaaraduhu dhigayaan qofka Transit ka ah in aan diyaaradda u saran yahay lagala degi Karin, mana aha markii ugu horaysay ee madaarka Berbera masuul caynkan oo kale ahi soo maro balse waxa dhawaan sidan oo kale ku martay Wasiirka Arrimaha dibeda iyo madax kale.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=61694

No comments: