04 March, 2013

Somaliland Ma Gayda In Samaale Oo Kale Madaxweyne Ka Noqdo!!!!


Somaliland Ma Gayda In Samaale Oo Kale Madaxweyne Ka Noqdo!!!!




Waa Qodob Dastuuri ah in qof kasta oo Buuxiyay shuruudaha Madaxnimada uu Xaq u leeyahay inuu isku soo sharixi karo Xilka Madaxweyne nimada hadan waxa jira waxyaalo ku xeeran oo ay ka mid yihiin:-

1.Deegaankiisa sida looga Taageersanyaya

Mudane Wasiir Ssamaale oo iga Mudan Xushmad iyo Tix gelin waxa uu ku Guuldaraystay inuu hanto deegaanka uu ka soo jeedo ee Gabiley iyo Hargeysa Galbeed, waxaanu mar walba ka dhex wadaa Fidno aan joogsanayn sida

2005 waxa uu Booskiisii qaatay Aqoonyahan In badan soo halgamay oo ahaa Dadkii Uffo 1982kii loo xidhay ee 8sano Godka Madaw ku jiray waa Aqoonyahan Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi, intii uu ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada waxa uu aha mid ku hawlan sidii uu u kala dili lahaa Dadka Deegaanka Gabiley oo marba waxa uu ka shaqayn jiray sidii Maayirka iyo Badhasaabka uu iskaga hor keeno, Tusaalena waxa inoogu Filan Waqtigii Khadra Xaaji Gaydh. 2011kii waxa uu Noqday wasiir Beddela Siyaasigii Siyaasiyiinta Somaliland ugu daacad sanaa waa Maxamed Xxaashi Cilmi isaga oo aan Guul kala Kulmin, isla markii Xilk uu iska Casilay ee uu doontay Wasiirnimada waxa uu lumiyay Kursi waxaanu si toosa Uga Hor yimid Doonistii Ibraahin Kacaan ee Gudoomiye Xigeen nimada Wakiilada taasi oo Deegaan ahaan aan dan u ahayn.

2.Xilalkii hore Qaranka uu ugu soo qabtay iyo Waayo aragnimadiidii laga dhaxlay

Wax laga dhaxlay inuu noqdo Ul lagu garaaco marba Wasiirka Fikradaha Horumar laga faa'iidi lahaa keena intii uu Golaha wakiilad joogayna wuu ku guuldaraysay in 82xildhibaan uu maamulo waad ogtihiin in Golaha wakiiladu Shalay Udub wada ahaayeen maantana Xukuumada u wada shaqaynayaan.

Mudane Samaale Waxad jabisay qodobka 93aad ee datuurka oo ku siiyay Hab-maamuuska qaranka inaad ka mid tahay dadka ugu sareeya qodobkaa oo odhanya waxa dalka ugu sareeya Hab Maamuus ahaan

1.Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa.

2.Gudoonka Golaha Guurtida.

3.Gudoonka Golaha wakiilada.



3.Qorshaha uu qaranka ku haggi doono hadii uu Madaxweyne noqdo

Mudane,Samale ma laha wax haba yaraatee Qorshe ah ee waxa uu ku shaqyn doonaa Fikrada IKHWAANAL MUSLIMIINKA ee haysat MASAR,MUQDISHO iyo ta had aka dilaacda Djibouti ee uu Hogaaminayo Sh.Bashiir.

Waxana uu xidhiidh la leeyahay Ganacsade Qadari ah oo ahaa ki Lagacta Ololaha ugu deeqay Xasan Sh.Maxamuud.



Lasoco Qaybta labaad ……………………………

Mr.Hirad

X.hirrad@gmail.com

Gabiley Somaliland

44610986

No comments: