07 March, 2013

Guddoomiyahii Xisbiga Wadani UK- Iyo Ku Xigeenkiisii Oo Is Casilay


Guddoomiyahii Xisbiga Wadani UK- Iyo Ku Xigeenkiisii Oo Is Casilay

London(-Warar rasmi ah oo ay shabakada qarannews ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in khilaaf culusi uu ka dhex taagnyahay xisbiga Waddani laantiisa UK.

Khilaafkani oo laba garab u kala jabiyay xisbiga Waddani UK, oo in mudo ahba soo jiitamaayay ayaa ku dhamaaday in xubno badan oo Wadani UK-ahi ay iskaga dareeraan kuwaasi oo ay ku jiraan gudoomiyahii xisbiga Waddani iyo ku xigeenkiisii oo iyagu shalay xilkaasi iska casilay, sida ay sheegayaan wararkaasi, inkasta oo warar rasmi ah oo xisbigaasi ka soo baxay ayna jirin, marar badan oo aanu la xidhiidhnay gudoomiyaha xisbiga Waddanina way noo suurto gali weyday markii uu naga qaadi waayay khadka mobil-kiisa, oo kolna dhacaaya oo aanu ka jawaabaynin iyo kol uu mashquulyahay oo uu ku hadlaayo awgeed

Khilaafkan iyo burburkani ku yimid xisbiga Waddani ee UK- ayaa xunaha iskaga tagay xisbigaasi ay shabakada qarannews u sheegeen in gudoomiyha xisbiga C/raxmaan Ciro uu qayb ka yahay, taasi oo ay noo sheegeen in khilaafkani uu in mudo ah soo jiitamaayay, oo uu ku guuldarystay in uu arintaasi uu xaliyo.

Warar kale oo oo aanu helnay ayaa sheegaaya in khilaafkaasi uu C/raxmaan Ciro soo afjaray isla markaasina uu labadii garab ee is hayay uu mid la saftay, garabka uu Ciro la saftay ayaa ah garabkii ururkii hadhay ee UMADDA gaar ahaana ahaa gudoomiyahii ururkii UMADDA oo uu u soo magacwday xubin ka mid ahaa ururkaasu in uu gudoomiyaha Wadani ee UK- uu noqdo taasi oo ka cadhaysiisay gudoomiyahii hore iyo ku xigeenkiisii, sababtayna in ay is casilaan.

C/raxmaan Ciro ayaa ku mashquulsnaa xalinta khilaafkii madaxweynaha iyo ku xigeenka Somaliland, xili xisbigiisa ay ka dhex taagntahay jiho wareer iyo khilaaf xoogani gaar ahaan laanta UK, oo saamynteeda ku yeelan doonta gudaha iyo laamaha kale caalamka, hadii uu sidaasi ku sii jiro khilaafkani gaadhay in ay is casilaan gudoomiyahii iyo ku xigeenkii wadani ee uk

No comments: