20 March, 2013

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Oo Sababeeyay Kor U Kaca Qiimaha Doollarka, Sheegayna Inay Xukuumadda Wada-tashi Ka Yeelanayaan

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Oo Sababeeyay Kor U Kaca Qiimaha Doollarka, Sheegayna Inay Xukuumadda Wada-tashi Ka Yeelanayaan
Guddoomiyaha oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in wakhtigan kor u kaca qiimaha ....

Hargeysa (GNS) – Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa ka hadlay kor u kaca qiimaha Doollarka iyo Sicir bararka, waxaanu sheegay in kor u kaca qiimaha Doollarka ay wakhtigan sabab u tahay dhaqdhaqaaq yari soo waajahday dekeda Berbera. 

Guddoomiyaha oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in wakhtigan kor u kaca qiimaha doolarka ay keentay dhaqdhaqaaqa dekeda Berbera oo yaraaday iyo sariflayaasha oo hadba sida ay doonaan lacagta ku sarifa. 

Guddoomiye Dirir, oo ugu horeyn ka hadlaya waxa keenay kor u kaca qiimaha doolarka ayuu yidhi "Waxay ku xidhan tahay hoos u dhiciisa iyo kor u kiciisu lacagta ku jirta suuqa oo marka lacagta Somaliland ay Suuqa ka yaraato qiimay yeelataa oo Doolarka ayaa hoos u dhaca, marka ay ku badatana qiimaheeda ayaa hoos u dhaca oo Dollarka ayaa kaca" 

Cabdi Dirir Cabdi, waxa kale oo uu sheegay "Dekedda dhaqdhaqaaqeeda ayay iyana ku xidhan tahay oo badeecado marka ay ka soo degayaan waxa suuqa soo gala lacag dollar ah oo la sarifo oo lagu soo cashuuro, markaa qiimaha Doolarka ayaa jaba, imika wax ma dhoofino, imika xoolo ma dhoofinayno Doolarkuna wuu yar yahay, markaa taasaa keentay inuu kor u kac" ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray in dekeda Berbera uu dhaqdhaqaaqeedii yaraaday "Dekedda Berberana dhaqadhaqaaq hagaagsani kama jiro hadda, markaas oo kale anagu suuqaanu lacag gelinaa si aanu ugu ilaalino" 

Guddoomiye Dirir, waxa uu sheegay inay Wasaarada Maaliyadda, rugta ganacsiga iyo guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada iskaga imanayaan sidii looga tashan lahaa fadhiisinta qiimaha doolarka 

Gabiley News Desk 
Contactgabiley@yahoo.com 
Hargeysa Office

No comments: