28 February, 2013

shirka Soomaaliya eela Qabanayo Bisha Maajo 2013


shirka Soomaaliya eela Qabanayo Bisha Maajo 2013

Organisations:
Foreign &
Commonwealth
Office
Published:1 February 2013World location:Somalia


Dowladaha UK iyo Soomaaliya waxaa ay shir caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya 7da bisha Maajo ku martigelin doonaan dalka UK.

View of Mogadishu fishing harbour AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE

Shirka Soomaaliya

Dowladaha UK iyo Soomaaliya waxaa ay shir caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya 7da bisha Maajo ku martigelin doonaan dalka UK. Shirku waxaa uu higsanayaa in uu taageero caalami ah siiyo Dowladda Soomaaliya oo isku dayeysa in ay dib-u-dhisto dalkeeda ka dib colaad labaatan sano socotey.
Shirka Soomaaliya – Maxaa hadda loo qabanayaa?
Fursadaha is-beddel ku imaan karo

Hadda waa waqtigii ugu wanaagsanaa ee muddo dheer (jiilal) soo mara Soomaaliya kaas oo ay dib ugu soo noqon karto waddadii dib-u-soo-kabashada iyada oo taageero ka heleysa saaxiibadeeda caalamig ah iyo deriskeeda. Is-beddellada Soomaaliya ka dhacay sanadkii la soo dhaafey, ee ay ka mid yihiin ka-bixiddii ay Al Shabaab ka baxdey magaalooyin waaweyn oo badan, awooddii xukun ee sida ammaanka ah loogu wareejiyey dowladda cusub, iyo taageerada caalamka oo soo cusboonaatey, ayaa bixinaya fursad aan horey dad u soo marin oo lagu sii ambaqaadi karo deganaanshaha iyo ammaanka dalka.

Ka dib markii uu dhammaadey waqtigii Dowladdii Federaalka ee Ku-meelgaarka ahayd bishii Agoosto ee sanadkii la soo dhaafey, ayaa Soomaaliya waxaa ay hadda leedahay dowlad ka sharciyad wanaagsan kuwii soo marey tobannaan sano.

Dowladda cusub ayaa soo saartey qorshe siyaasadeed oo lix tiir ka kooban oo ay ku caddeysey in ay xoogga saareyso ammaanka iyo caddaaladda, yareynta musuq-maasuqa, dardargelinta soo-kabashada dhaqaalaha, bixinta adeegyada caafimaad iyo waxbarashada, dhiirrigelinta iskaashiga wada-hawlgalayaasha caalamiga ah, iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Baarlamaanku waxaa uu isna sidoo kale leeyahay jadwal waqti oo uu dib ugu eegayo dastuurka iyada oo taas loogu diyaar-garoobayo aftida loo qaadi doono.

Ammaanka soo wanaagsanaadey ee ay dhaliyeen ciidamada ammaanka qaranka ee Soomaaliya oo uu taageerayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) daraaddii, ayaa waxaa ka dhashey in dadku ay dib u dhisanayaan hantidooda iyo ganacsiyadooda. Kalsoonida ayaa sii kordheysa, waxaana soo noqonaya qurba-joogtii. Waa muhiim in waqtigan aan uga faa'iideysanno sii joogteynta xawaarahan oo aan ku abuurno xaaladihii soo-nooleyn lahaa si ay u bulaasho ruuxiyadda ganacsi-abuurnimada ee ku jirta Soomaaliya.
Shirka Soomaaliya – Ahdaafta (ujeeddooyinka)

Diyaarinta arrimaha mudnaanta lagu siinayo iyo ahdaafta Shirka Soomaaliya ee 7da Maajo 2013

Soomaaliya waxaa sanadkii la soo dhaafey ka dhacay is-beddel weyn, waxaana awoodda Muqdisho la wareegey dowlad cusub iyada oo loo marey geeddi-socod siyaasadeed kii ugu wanaagsanaa dhinaca u-dhammaanshaha. Waxaa hadda jira fursad dahabi ah oo looga baxayo dhibaatooyinkii la soo marey.

Dowladda cusub ayaa soo saartey qorshe siyaasadeed oo lix tiir ka kooban oo ay ku caddeysey in ay xoogga saareyso ammaanka iyo caddaaladda, yareynta musuq-maasuqa, dardargelinta soo-kabashada dhaqaalaha, bixinta adeegyada caafimaad iyo waxbarashada, dhiirrigelinta iskaashiga wada-hawlgalayaasha caalamiga ah, iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Ururka Islaamiga ah ee xagjirka ah ee Al shabaab ayaa laga saarey QAAR ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Dadku waxaa ay dib-u-dhisayaan hantidooda iyo ganacsiyadooda. Kalsoonida ayaa sii kordheysa, waa dib-u-soo-noqonaya Qurbajoogtii. Waxaa muhiim ah in aan waqtigan aan uga faa'iideysanno sii joogteynta xawaarahan oo aan ku abuurno xaaladihii soo-nooleyn lahaa si ay u bulaasho ruuxiyaddii ganacsi-abuurnimada ee ku jirta Soomaaliya.

Shirku waxaa uu diiradda saarayaa sida bulshada caalamiga ah ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee cusub ugala shaqeyn karto arrimaha mudnaanta u leh: dib-u-dhisidda ciidamadeeda qalabka sida, booliska, ilaalada xeebaha, nidaamyada caddaaladda iyo maareynta hantida dadweynaha (maaliyadda dowladda); iyo gacan ka geysashada abuurista degannaansho siyaasadeed. Waxaa uu muujin doonaa ruuxiyadda iskaashiga cusub ee dhex maray Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

Soomaaliya waxaa sidoo kale ay ka muuqan doontaa munaasabado kale oo heer sare ah oo ay martigelin doonaan wada-hawlgalayaal caalmi ah iyo hay'ado caalami ah, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Japan iyo Midowga Afrika, waxaana sidoo kale diiradda ay u saaran tahay dalalka G8 oo ay dowladda UK guddoomineyso sanadkan.
Sida aad ugu soo biiri karto doodda

Inta aan shirka la qaban ka hor waxaanu la tacaamuli doonnaa dhammaan heerarka kala duwan ee maamullada Soomaalida, bulshada rayidka ah iyo qurba-joogta.

Waxa aad la socon kartaa doodda Shirka waxaana aad la tacaamuli kartaa Dowladaha Soomaaliya iyo UK labadaba adiga oo u soo maraya kannaaladan.
Twitter
UKinSomalia – the British Office for Somalia/Xafiiska Britain ee Soomaaliya
HMAMattBaugh – British Ambassador to Somalia/Safiirka Britain ee Soomaaliya
SomaliPM - Official Twitter account of the Somali Prime Minister Abdi Farah Shirdon/Barta Rasmiga ah ee Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
#Somalia2013 – follow the hashtag we are using for the conference/raac calaamadda 'hashtag ee aan u isticmaaleyno shirka
Facebook
UKinSomalia – the British Office for Somalia/Xafiiska Britain ee Soomaaliya
Blog/barta qoraallada
Barta qoraallada Danjire Matt Baugh

No comments: