28 February, 2013

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Beeniyay Hadal Laga Faafiyay,


Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Beeniyay Hadal Laga Faafiyay, Sheegayna Wada Hadalada SL Iyo….

Muqdisho,(Ramaas)-Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inay dhiiri-galinayaan inay sii socdaan wada-hadaladaasi.

Raysal-wasaare Saacid, waxa uu ku dooday in shacabka reer Somaliland iyo Somaliya ay is rabbaan isla-markaana imikaba aan la kala xidhnayn ee dadku isku socdo, isaga oo sidoo kalena sheegay inay yihiin dad Wallaalo ah.

Raysal-wasaare Saacid oo u waramay Telefiishanka Somali Channel, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi "Meel fiicanbay maraysaa, hadda ka hor waanagii isugu nimid shirkii London, anagana qorshahayaga ku saabsan Somaliland waa si nabad ku dhisan, waa si wallaanimo iyo qadarin ku jirto, kuma jirto xasarad iyo buuq toona, waxaanu nahay dad wallaalo ah oo isku dan ah, sidaa ayay tartiib ugu dhisan doonaa, waanu dhiirigalinaynaa in wada-hadaladayadu socdaan, imikana dadku way is-rabbaan wayna isku socdaan, Somaliyana wada jir ayay gaadhi doontaa"

Mr Saacid, oo la waydiiyay inuu ka soo yeedhay isaga hadal warbaahinta galay oo ahaa inuu yidhi ciidamada AMISOM ha tagaan Somaliland, ayaa ku jawaabay "Meel aan ku idhi hadalkaasi (AMISOM Somaliland ha tagto) ma jirto, laakiin dadka reer Somaliland haddii ay raali ka yihiin iyagga ayay u taalaa"ayuu yidhi
– See more at: http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Haddii-Dadka-Reer-Somaliland-Raali-Ka-Yihiin-In-AMISOM-Tagto-Iyagga-Ayay-U-Taalaa-Raysal-Wasaaraha-Somaliya-Oo-Ka-Hadlay-Wada-hadalada-Somaliland.html#sthash.ZlpNKMQs.dpuf

Ramaas

No comments: