26 February, 2013

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Xildhibaan Baarlamaanka Somalia Ka Tirsan Oo mudo bil ku dhaw ka hor ciidamada Boolisku ku qabteen Magaalada Gabiley.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Xildhibaan Baarlamaanka Somalia Ka Tirsan Oo mudo bil ku dhaw ka hor ciidamada Boolisku ku qabteen Magaalada Gabiley.
Xildhibaankan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, isla-markaana ....

Hargeysa (GNS) – Maxkamada Gobolka Hargeysa, ayaa shalay xukun ku riday xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed oo ka mid ah baarlamaanka Somalia oo mudo bil ku dhaw ka hor ciidamada Boolisku ku qabteen Magaalada Gabiley. 

Xildhibaankan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, isla-markaana si qarsoodi ah ku soo galay Somaliland ayaa muddo ku xidhnaa Magaalada Hargeysa, kaas oo shalay ay Maxkamada Gobolka Hargeysa oo la horgeeyay ku xukuntay inuu dalka kaga baxo muddo 24 saacadood gudahood ah iyo inuu bixiyo hal Milyan oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah. 

Maxkamada gobolka ayaa waxay amartay Boolisku Inay Muddo 24 Saacadood Gudahood Ah Xildhibaankaas ugu Mastaafuriyaan dhinaca Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia oo uu markii hore ka yimid. 

Dhinaca kale Ka sakow xukunkaas shalay ku dhacay, Maxkamada gobolka ayaa hore u sii daysay, balse ciidamada dambi baadhista ayaa todobaad ka hor markii la sii daayay qabtay, iyagga oo baadhitaan kale ku sameeyay isla-markaana maxkamada dib ugu celiyay, taas oo sababtay in lagu rido xukun mustaafuris iyo ganaax laxageed iskugu jira. 

Guuleed Yare 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa Office

No comments: