18 January, 2013

Xildhibaan Ka Hadlay Wada Hadalka Dekedda Berbera Ku Saabsan Ee Ay Wasiiradu Ka Wadaan Imaaraadka


Xildhibaan Ka Hadlay Wada Hadalka Dekedda Berbera Ku Saabsan Ee Ay Wasiiradu Ka Wadaan Imaaraadka

Hargaysa-Geeska-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa taageero u muujiyay in xukuumadu ay soo gasho heshiisyo lagu maalgalinaayo dekeda Berbera.

Xildhibaan Qabiile waxa uu xukuumada ugu baaqay inay golaha hor keenaan heshiis kasta oo ay la soo gasho shirkado shisheeye, isla markaasna ay golaha ka xalaalayso heshiisyadii hore ee ay galeen, waxaanu golaha wakiilada ku dhaliilay inay wakhtigan u janjeedh-sameen dhanka xukuumada, loona baahan yahay inay noqdaan awoodii dheeli tiraysay.

Waxa uu sidan ku sheegay Xildhibaan Qabiile waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya heshiiska dekeda Berbera ee wasiiradu ay ugu maqan yahiin imaaraadka waxa uu yidhi " Heshiis kasta oo caalami ah oo ay xukuumadu la gasho cid kale oo golaha wakiiladu aanu eegin inuu ina anfacaayo iyo In kale aan oo aan soo marin ma hirgalaayo, dawladii ina Rayaale waa lagaga caban jiray heshiisyadaas tan Axmed Siilaanyona halkii uunbay ka sii miistay oo heshiis kaliya oo la soo hordhigay golaha wakiiladu ma jiro, anaguna waanu iska allaw sahal sanahay oo golaha laftigiisu dabo galkii uu lahaa xiligii Rayaale ma laha, arintaasna markaan xildhibaan ahaan fikir ka dhiibto xukuumadu xaqbay u leedahay inay soo gasho heshiisyadaas, laakiin waa inay soo hor dhigaan golaha wakiilada waxii aan golaha wakiiladu xalaalayna xalaal maaha." Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi " Ayaan darada ugu weyn maanta waxa weeye golahii wakiiladana hoos u dhac weyn ayaa ku dhacay, mushilkadaha ugu waawayn ee imika ina haystaana waxa weeye ku dhaqan la'aanta qawaaniinta, inta badan mashaariicda sharci ee golaha la hor keeno xukuumada ayaa gacanteeda ku soo samaysa si mug leh iyo dood waafiya oo uu golahu ka yeeshaana ma jirto, waad arkaysaa xeerkii sirdoonka oo cabudhin badan oo xoriyatul qawlka ah laga dareemaayay,waxaad arkaysay xeerkii budhcad badeeda iyo kii dabarka lagu furayba,markaas golahiibaabaa uu hoos u dhac ku yimi."

Ugu danbayntii xildhibaan Qabiile oo ka hadlaya casriyaynta ay xukuumadu sheegtay inay xubno wasiiro ahi u joogaan Imaaraadka Carabta, wuxuu yidhi " Heshiiskaas oo ay xukuumadu awood u leedahay inay soo gasho waa inay horkeentaa golaha wakiilada si loo eego,waana in laga doodo oo faah faafin iyo sharax buuxana ay ka baxisaa xukuumadu, haddii uu faa'ido dalka u leeyahayna golahu waa uu meel marinayaa, haddii aanu inoo lahayna waa ay ku celin karaan, waana run oo dekedani in laga shaqeeyo iyo in la maalgaliyo oo la balaadhiyaba waa ay u baahan tahay, laakiin waa in si dhex dhexaad ah oo shuruucda iyo dastuuka dalka waafaqsan wax kasta loo eego."

Geeska

No comments: