31 January, 2013

Safiirka Ingriiska U Fadhiya Dalka Itoobiya Oo Ka Hadlay Arrimaha Somaliland, Somalia iyo Djibouti.

Safiirka Ingriiska U Fadhiya Dalka Itoobiya Oo Ka Hadlay Arrimaha Somaliland, Somalia iyo Djibouti.
Waxaan ku rajo weynahay In aanu xidhiidhkii Wacnaa ee Somaliland iyo Ingiriiska soo celino…

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Itoobiya, Greg Dorey,oo waraysi siiyaay Saxafiyada Dr.Moha Farah Jire ayaa sheegay inuu ku han-weyn yahay in si dhakhso ah loo soo celiyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Ingirriska. Safiirka oo Dr. Moha Farah Jire oo ah Saxafiyad Arimaha Africa iyo Caalamka u qaablisan Nabadgalyada, Diplomasiyada, Siyaasada ugu waramayey Adis Ababa waxa uu ka hadlay xanibaadii xaga socdaalak ee uu dalka Ingiriisku ku soo rogay socdaalista Somaliland ay ku tagayaan Muwaadiniinta Reer Ingiriis. 

Amb. Greg Dorey oo ka hadlayey arrintaa waxa uu yidhi "Runtii Ingiriisku waxa uu aad ugu dhuun daloolaa wixii wel-wel ah oo ka dhacaya Qaaradda Afrika gaar ahaan Somaliland oo ay xidhiidh la leeyihiin ku saabsan Nabad gelyadda, Horumarinta iyo Saaxiibtinimadda guud." 

Safiirku waxa uu sheegey inay u shaaciyeen xanibaada socdaalka sabab la xidhiidha xuquuqda muwaadiniintooda oo ay tahay inay ku wer galiyaan khataraha Amni daro ee ay waajihi karaan, Amb. Dorey waxa uu yidhi " waxaan aad ugu hanweyn nahay in aanu xidhiidhkayagii wacnaa ee Somaliland xukuumadeeda aanu la lahayn aanu soo celino,Somaliland waxan la leenahay xidhiidh wacan oo waaray , waxaanan ugu hanwey nahay in dhakhso loo soo celiyo walaaltinimadeenii wacnayd , waxaan sidoo kale ku hanwey nahay in Somaliland Mas.uuliyeenteedu ay yimadan shirka Somalia ee Uk Xukuumadeedu qaban qaabinayso, oo Somaliland iyo Somalia ba ay ka qayb gali doonaan, anaga oo jecel in ay Somalia siin doonto Xuquuqda Somaliland leedahay ee ay 20 ka sano inta ka badan ku soo caano maashey nabada waartey, iyo dimoqraadiyad doorashooyinka madaxweynayaasha laysku bedelay, waxaan isku dayi doona in wax kasta oo surto galinaya in shirka ay wada yimaadan". 

Safiirku waxa kale uu hambalyeeyey Dowlada Itobiya oo hogaaminta Jagada AU ga loo doortay oo uu tilmaamey inay hab sami u hanan karaan xilkan si taariikhi ahna uga nidho dhalin doono Gudoomiye Mr. Haile Mariam Desalyn. 
Waxuu safiirka Ingiriiska Itoobiya u fadhiyaa xusay in Djibouti ay sanadkan bisha sadexaad ka yagleeli doonan xidhiidh quwad leh oo ujeedadiisu tahay in Guud ahaan geeska Africa wixii nabad galyada ku saabsan lagala xidhiidho Ethiopia iyo Djibouti oo ah udub dhexaadka Geeska Africa.

No comments: