17 December, 2012

Kalsoonidii Shacabka Ee Luntay Sidee Lagu Soo Celin Kara Ilhaam Hasan Faleebo

Kalsoonidii Shacabka Ee Luntay Sidee Lagu Soo Celin Kara Ilhaam Hasan Faleebo

Shacabka Somaliland Intii codaysay iyo intii loo codaynayay waxay ku dagayaan ama ay ku aminaya madaxda commission dorashada in ay war cad tusaan oo TV program live ah loo qoabto tirinta codka sidii doorashadii dhaweed ee ka dhacday Somalia ama waa in ay is casilaan sida ugu quruxda badan ayaa sidaas ah ee lagu dhawraayo amniga kalsoonida shacabka 
 

Waxay aheed 28th NOV/2012 Markii shacabka Somaliland ay u dareereen doorashada goolaha deeganka ee wadanka oodhan (Somaliland) waxay si nabad ah oo kalsooni leh ugu dareereen qof walba qofka uu doranayay isaga oo aan qofna la cadadinayn ayay six or ah 2dii habeenimo kayuuga u sii galeeen iyaga oo u samrayaa cida ay ku kalsoonyihiin ee ay codkooda siinayaan  boqolal qof ayaa kayuuga kujiray kala mabda ah oo kala tageersan musharxiinta tar tamayaa.
Waxaa laga soo gudbay codayntii  waxaa la soo xareeyey sanaaduuqdii oo la kenay xaruumahii commission ka doorashoyinka waxaa la bilabay tirintii iyada oo xisbi/urur walba ay u jogaan muraqibiin goobaaha codaynta ayaa waxaa musharax walba hayay natijadii codbixinta ee uu goob walba ka helay
Midwalba isaga oo isku qanacan ayaa loo soo gudbay natijadii isdaba marinta ahayd ee ay ku dhawaqeen comsionka doorashooyinka qaranku
Hadii aan ka hadlo shaqsi ahaantayda waxaa jirta in aan week ka hor aan  hayay kala badh tirinta codkyaga ka hor intaan lagu dhawaqin sanaduqada badh ay iga maqnayeen tirade codka aan helay ayaa aheed 1970 cod marka laga reebo sanaaduuq badan oo aan helin warbixintoda sida tuuloyinka Haleeya, Dararwayne iyo sabawanaag oo aan cod badan ku lahaa iyaa oo ay taasi jirto ayaa lagu dhawaqay  natiijadii hor dhaca aheed
Alhamdulilaah qofka binu adamka ah wuxuu u jooga guul iyo guul daro iyo in uu ku samro wixii loogu dhawaqay in uu helo wanan ku qanacnay in aan ka mid noqday 150kii musharax ee ku hadhay Hargiesa lakiin waxaan ka xumaday wax yar kadib waxaa helay waraaqo natiijadii codka lagu soo dhajiyay oo lagu soo qoray cod aan macquul ahayn oo aan ka helay dhawr 2 ama 3 sanduuq aan gacanta ku hayay waraqii tirinta copy goodi markaas kadib ayaay luntay kalsoonidii iyo aminadii aan u haynay commisionka qaranka Somaliland oo ay daaha dabadisa loogu jiro qofka ay doonana ay magacabayaan kii anay rabina codkooda daadinayaan. Kaliga mahaa waxaa kasii daraan shcabka Somaliland ee 18 sacadood kayuga ugu jiray dadkan in ay ka mujiyaan raajo laan.
Hadaba waxaa is waydiin mudan side ayaa lagu qancinayaa Haweenki, dhalinyarti iyo gabi ahaanba umadii shacabka reer Somaliland ee codkooda dhiibtay markii ay arkeen codkoodii o lagubay qaar kalana lagu shubtay halkaa qaar kalana la layay meesha la geyey!!!!

No comments: